Ducada ma celisaa Qadarka?

0
Saturday February 08, 2025 - 15:51:30 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ducada ma celisaa Qadarka?

    Su'aal; Maxaa u ducaysanaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aal; Maxaa u ducaysanaa?


Hadii uu Ilaahay noo qadaray laba-jeerba waan heli la hayn, aan ducaysano ama yaan ducaysanin.

Tusaale Ilaahay baa Awlaad kuu qadaray ducayso ama ha ducaysanin laba-goorba Ilaahay wuu ku siin la haay, Hadii aan laguu qadarin--ne ma helaysid baryi Ilaahay ama ha baryin.


Qolo waxay u maleeyeen su'aashaan inay sax tahay, Ducadii ayee isaga tageen, waxee dhaheen faa'ido ma leh ducada--- Jahligooda iyobaadidooda ayaa is burinaayo, waxa ay dhahayaan: Hadii lagu qadaray inaad dharagto laba-jeerba waad dhargee cun ama ha cunin, hadii laguu qadaray awlaad u tag xaaskaaga ama ha u tagin waad helee, sidaan sidee ugu fakireen waayo aragti markaa lee dahay wax walba in lagu dhaqan galin karo ayaa loo baahan yahay balse, Fakirkiina kaliya ducada ayaa ku dhaqan galiseen, ma soconayso.



Qolo kale oo caqli isku yeelay ayaa dhahay: Ducadu waa cibaado oo Alle ayaa ka abaal marinaayo laakin ducada waxba kama badasho qadarka.


Qolo kuwaan ka caqli roon waxay dhaheen: Ducadu waa calaamo---Adoo maanta iska fadhiso hadee kugu soo dhacdo inaad ducaysato--- calaamo ayee u tahay dalabkaaga in laguu fulin rabo oo Ilaahay ayaaba ku waafajiyay-ba.


Inaad ducaysato iyo inaad hesho wee isku xeran tahay ( Adoo ducaysanaayo hadaa is aragto, dalabkaagiina waad heshay )


Tusaale: Hadaa aragto cirka oo mugdi ah daruurihiina ee is wada xer xeray waad dhahaysaa. Roob aa da'i rabo!! Roob inuu di'i rabay waxaad ku ogaatay daruuraha.


Tusaale: Hadaa dhahdo Ilaahow $ 100 isii wuu kuu soo socday ba .


Sida toosan: waxaa jiro qeyb 3-aad waxaa waaye: Sheyga la qadaray waxaa la la qadaray asbaab, Sababihiisa waxaa ka mid ah : Ducada , Shey sabab la'aan la ma qadarin.


Sida dharagta loogu xeray cunid, awlaadiina isku tag, janada gelideedana camalka loogu xeray, naarta gelideedana camalkee ku xeran tahay, qebtaan ayaa ah kuwa xaqa ku taagan ( saxan ).


قال النبي ﷺ: لا يرد القدر الا الدعاء .

Qadarku ma celiyo waxaan ka eheyn ducada.


Buuga: الداء والدواء

Tafa-tire: Mohamed Ali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...