Waxaan Rabaa Inaan Idinla Yar Wadagogo Arinkan Darajada Dagamoyinka Waxa Isbadalay Waa Tiradda Xildhibaanada Ee Maaha Darajada.

0
Tuesday July 23, 2019 - 09:46:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Rabaa Inaan Idinla Yar Wadagogo Arinkan Darajada Dagamoyinka Waxa Isbadalay Waa Tiradda Xildhibaanada Ee Maaha Darajada.

    Gabiley & Caynaba Mid Walba Darajadii Hore Uunbay Haysataa.!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley & Caynaba Mid Walba Darajadii Hore Uunbay Haysataa.!

Waxaad moodaa Bulshadeenu inay war moog ka tahay Dastuurka iyo Xeerarkiisa, oo kolba wixii dhagahooda soo gaadha uunbaa wax cusub looga dhigaa oo ay toociyaan. Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002, mid cusub maaha kaliya wax kabadal iyo kaabis ayaa lagu sameeyay.


Hadaba, Wax kabadalka xeerkan wuxuu saameeyay saddex meelood, 1. Waxa hoos loo dhiigay guud ahaan Tirada Xubnaha Golayaasha Deegaanka ee dalka, 2. Degmooyin cusub oo lagu soo kordhiyay kuwii hore 3. Waxa gole deegaan loo saameeyay Degmooyinka darajada D oon hore loosoo dooran jirin. Xeerka intiisa kale waa sidiisii ee yaan marmarsiiyo laga dhigan wax hore u jiray. Gabiley iyo Caynaba mid walba darajadeedii hore uunbay haystaa. Waana kan qodobada wax kabadalka iyo kaabista lagu sameeyay ee Golaha Wakiilada maanta ansixiyeen.

XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADA IYO
DEGMOOYINKA JSL. ( XEER LR. 23/2002 ) oo Golaha Wakiilada Somaliland ansixiyeen markii u danbaysay 2007 maxaa iska badaley maanta.

Qodobka 5’aad

GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA JSL
1. Jamhuuriyadda Somaliland waxay u qaybsantaa (6) Lix Gobol, lixdaas Gobol
oo kala ah:-
a) Gobolka Maroodijeex
b) Gobolka Togdheer.
c) Gobolka Sanaag.
d) Gobolka Awdal.
e) Gobolka Sool.
f) Gobolka Saaxil.

Gobolkiiba waxa uu u qaybsamaa Degmooyin darajadoodu kala yihiin
A,B,C,D, Magaalo Madaxda Gobol kasta Darajadeedu waa "A” oo ah kuwan
soo socda: -
3. Magaalo madaxda gobol kasta darajadeedu waa " A” oo kuwan soo socda
MAGACA MAGAALO MADAXDA DARAJADA
1. Hargeysa "A”
2. Burco "A”
3. Ceerigaabo "A”
4. Boorama "A”
5. Laascaanood "A”
6. Berbera "A”

Qodobka 6’aad
DARAJOOYINKA DEGMOOYINKA DALKA JSL

1) GOBOLKA Maroodi-Jeex.
MAGACA DEGMADA DARAJAD
1. Hargeysa (Ku Meel Gaadh) A
2. Gabilay A
3. Baligubadle C
4. Salaxlay C
5. faroweyne D
6. Sabawanaag D
7. Cadaadley D
8. Daarasalaam D
9. Allaybaday D
10. Dacar-budhuq D

2) Gobolka Togdheer.
MAGACA DEGMADA DARAJADA
1. Burco A
2. Oodwayne B
3. Buuhoodle B
4. Duruqsi D
5. Sh. Xasan Geelle D
6. Qoryaala D

3) Gobolka Sanaag.
MAGACA DEGMADA DARAJADA
1. Ceerigaabo A
2. Ceelafweyn B
3. Badhan B
4. Laasqoray C
5. Dhahar C
6. Garadag C
7. Maydh D
8. Dararweyne D
9. Fiqi-fuliye D
10. Xiis D

4) Gobolka Awdal.
MAGACA DEGMADA DARAJADA
1. Boorama A
2. Saylac B
3. Baki C
4. Lughaya C
5. Dila D

5) Gobolka Sool.
MAGACA DEGMADA DARAJAD
1. Laascaanood A
2. Caynabo C
3. Taleex C
4. Xuddun C
5. Boocane D
6. Yagoori D

6) Gobolka Saaxil.
MAGACA DEGMADA DARAJADA
1. Berbera A
2. Sheekh C
3. Mandheere D
4. Bulaxaar D
5. Xagal D

Waxa isbadaley waa tirada xildhibaanada ee maaha darajada degmooyinka.

1. Degmadda Hargeysa  "A" 17 Xildhibaan (hore 25)
2. Degmadda Darajada   " A"  13 Xildhibaan ( hore 21)
3. Degmadda Darajada   " B"  11 Xildhibaan (hore 17)
4. Degmadda Darajada   " C"   9 Xildhibaan (hore 13
5. Degmadda Darajada    " D"  7 Xildhibaan (hore 9) aan doorasho ka dhici jirin.

Waxa fiican inaynu naaqishno Caqabadaha qoorta loo sudhay Xeerkan sida Doorashada Degmooyinka Derajada D oon hore loosoo dooran jirin oo runtii ah dabar lagu xidhay suurtagalnimada Doorashada Golayaasha Deegaanka dhaqaale ahaan dalku maqaadi karaa in waxaas oo degmo ah doorasho ka dhacdo?

Hasamaato.

Kheyr isha  Allah Xigasho Abdikarin Abdilahi haaji

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...