{Faxad ku noolow}
maxaa kaa hortagan inaad faraxdo adigoo og inaanay dunidaba ka jirin isku dheeli tirnaansho ee ay tahay mid mar walba aad ku hawlantahay xalka arin kugu taagan mid marka aad ka dhex baxdidna waxaad dhexgalaysa mid kale.
majiro waqti gaar ah oo farxada ku haboon balse farxada waxaa laga dhex abuuri karaa xaalad walba oo aad ku jirto hadii aad hanato waxa loo yaqaan qanaacada.
Dadku waa isku cayn balse waxa ay ku kala duwanyihin qaabka ay mashaakilaadkoda u maareyan waxaa laga yaaba waxyar oo aan micno lahayn inuu maanta oo dhan ka fakaraayo waqtigiisi iyo farxadisina uu ku lumiyo is moogaysiintu waa mid ka mid ah hababka ugu mudan oo looga hortago inaad stress qaado adiga oo aan masuuliyadaada dayicin.
bal isku eeg arinta aad ka murgayso iyo dunidaan alle balaarshay dhirta, hawada, deeganka noocyadiisa kala jaadka ah, buugaagta aan wax loo dhigo lahayn, caafimaadka, caqliga, araga, maqalka, noloshaas balaaran indhahaaga iyo qalbigaaga ku fidi si guud wax u eeg ha is galin ciriiri walwal kuu sababi kara.
Hadaba halkan waxan kugu soo gudbinayaa sadex waxyaalod oo an u arku duniba isha ugu wayn ee farxada laga helo inay yihiin.
■Salaada: salaadu waa gargaarka dagdaga ah ee qalbiga waa ka hortaga iyo talaalka murugada waa iftiin meesha ka saraya mugdi walba oo qalbigaaga soo wajaha waa la hadalka iyo la sheekaysiga Rabigii abuuray dareenka aad ku jirto waqti xadirkan, run ahaanti salaadu waa xalka dhabta ah ee mashaakilaadka oo dhan hadii aad hagaajiso oo aad aqoon, khushuuc iyo yaqiin aad ku tukato.
waa meesha kaliya ee rasuulka nnkh uu u dagdagi jiray markii dhibaato soo wajahdo.
■Cafiska: cafisku run ahaantii waa iska dajinta culayska aadka udaran ee murugta inaad ka tanaasusho oo ad iska ilowdo wax kasta oo dhacay waqtigoodina la soo dhaaafay oo shalay wixii dhacay aad iska masaxdid barina aad rabi u wakilatid qorshna aad la timaadid fahamtidna in muhiimadu maanta tahay waa raaxada nolosha halka ugu saraysa.
■Istiqfaarta:istiq faarta iyo guud ahaan xuska rabi waa waxa ugu wayn ee quluubta xasiliya mar walba carabkaaga ku hay fa,iido aduunka iyo akhiraba waad ka helaysa.
■Dalqaadka/Sabirka:sabirku waa waxa ad umuhiima noloshuna aanay ka maarmin sabir la,aantu waa mida kaliftay in maalin kasta ay dunidan dad isku daldalaan waa waxa kaliya ee nolosha adag looga talaabo waana sifada dadka adag ee qalbi ahaan uxoogan.
ugu dambayn alle waxa uu yiri
" وَاسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى الْخَاشِعِينَ"
(kaalmaysta sabirka iyo salaada waa arin adag/wayn waxay un ufududahay kuwa alle ka cabsada)
Rasuulka alle waxa uu yiri nnkh
"الصبر ضيا ء"
(sabirku waa iftiin)
Hadiiba aad halkaan nala soo gaartay ha iloobin nagu soo biirto #follow
W/Q Abdullaahi Saciid Salaad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!