Quraanka kariimka iyo cilmiga sayniska

0
Wednesday February 05, 2025 - 14:11:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Quraanka kariimka iyo cilmiga sayniska

    Sidoo kale waxa ay war bixintu intaa ku dartay in ay qaybtani ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale waxa ay war bixintu intaa ku dartay in ay qaybtani ..


Sida laga soo xigtay buugga esential of anatomy and physiology ayaa waxa uu sheegayaa dar dar gelinta iyo samaynta ficilda xun beenta iyo danbiyada in ay qofka ku riixdo in uu sameeyo qaybta maskaxda ee af somaliga loo yaqaan foodda hore (prefrontal area).


Sidoo kale waxa ay war bixintu intaa ku dartay in ay qaybtani masuul ka tahay in qofku gardaro sameeyo iyo in uu been abuuro danbi sameeyo iyo dhamaan waxyaalaha aan wanaagsanayn, sidoo kalena sheegida runta.
War bixintan ayay khubarada saynisku ogaadeen lixdankii sano ee u dabeeyay sida laga soo xigtay profesor keith L.moore.

Haddii aynu u noqono quraanka kareemka ah suuradda 96 aad (Al calaq) aayadaha 15-16.
كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًا بِٱلنَّاصِيَةِ ﴿١٥﴾ نَاصِيَةٍ كَاذِبَةٍ خَاطِئَةٍ ﴿١٦﴾
Aayadahan ayuu alle ku sheegay haddii uu ka joogi waayo (abu jahal) oo ay ka waramayeen ayaadaha ka horeeya ayaadan dhibka uu ku hayay diinka alle iyo rasuulkiisa (s.c.w) abu jahal hadduu ka joogsan waayo ficiladaas in malaaigta cadaabku jiidi doonaan fooda hore foodaas hore oo ah meesha u saaxiibka been ta iyo gefka.

Aayada danbe ayaa alle ku cadeeyay sababta foodda loo jiidayo in ay tahay in ay tahay meesha fulisa beenta iyo gefafka. سبحان الله عطيم

Quraanka ayaa ah shayga mucjisada ah ee dhowaan uun bani aadamku wax ka ogaanayaan ama ka fahmayaan sida cajiibka ah ee alle wax yaalaha uu abuuray uu qur aanka ugu sharxayo si qoto dheer.
Turjumidii:- c.raahiid axmed
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...