RAALI GALIN ... W/Q: Maxamed maxamud Axmed ( Arts )

0
Tuesday July 23, 2019 - 09:35:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RAALI GALIN ... W/Q: Maxamed maxamud Axmed ( Arts )

    Dhamantin marka hore waxan idinku salamayaa Salaanta Islamka S.C.Wwb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamantin marka hore waxan idinku salamayaa Salaanta Islamka S.C.Wwb.

Bacda salaam waxan akhriteyaasha Hortooda ku muujinaya Raali galin maqaal aan dhawaan qoray, sobobtana ay lahayd saxaafada oo badhkood mar walba bulshada usoo bandhigaan qaybta qaldan ee bulshada iska hor keeni karta.



Maqaalkaasi waxan aad ugu canaantay Abwaan C/raxman Abees. Oo aan daawaday war bixin kooban oo ciwaan looga dhigay abwaanku wuxuu yidhi "Boorama in la igu dilo ayaa la doonayay”


Maqaalkaygii hore wuxu aha "Boramay Xaal qaado” oo aan ku faah faahiyay qiyamka ay agtayda ka leedahay Magaalada Borama, waliba in kooban ayan ka taabtay’ anigoo ka damqaday in lagu tilmaamo meel ka duwan siday tahay.


Maantana waxan leeyahay Borama wa sidii aan hore u sheegay . Lkn waxan rabaa inaan qanciyo dadka sidii aan u fahmay oo kale iyaguna u qaatay oo  ahayd "negative side " Tilaamntii aan siiyayna Borama agtayda way ka leedahay.


lkn waxaan daawaday Muqaalkii Abwaanka oo dhamays tiran’ waxaan dhagaystay talooyin badan oo aan ka helay asxab iga dhaadhicisay qaladka ay samaysay saxaafadu. Kadib waxan go’aansaday sidii aan markayga horeba u ahaa inaan Abwaanka tuso qaladkiisa. Inan manta qaato qaladka aan ka fahmay odhaahdiisii ee igu kaliftay inaan qoro maqaalkaygii hore.


Waxan leeyahay Abwan " nin habari dhashay Hal ma seegi waydo ‘e " adna xaal aniga iga qaado maadaama aan ka’ degdegay inaan soo baadho muqaalka oo dhamays tiran.


Mar labaad iyo mar sadexaadba raali ka ahaw Abwaan C/raxman maqalkaygii Hore.
kaliya waxay iga ahayd inaan ku qabto hadaad qaldan tahay lkn sida aan dareemay markii danbe odhaahdaadu way ka duwanayd sida ay saxaafada qaybteeda xun u fasirtay.


Wa bilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed maxamud Axmed   ( Arts )
Gabiley Somaliland
[email protected]
+252 63 4466498
+252 65 9875050
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...