Xasan Sheekh Oo Saxiixay Xeerka Shaqaalaha Somalia
Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ...
![]() |
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasoo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yusuf Mohamed Adan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS saxiixa sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay.
Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dawlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan Diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.
Loading...
Loading...