'Iska jir, ma ahan Yurub' ee waa Mayota

0
Monday February 03, 2025 - 11:51:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Iska jir, ma ahan Yurub' ee waa Mayota

    Dadka waxaa loo sheegay in marka ay tagaan jasiiradan, sharci ka qadanayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka waxaa loo sheegay in marka ay tagaan jasiiradan, sharci ka qadanayaan



Dhammaadkii sanadkii hore ayay si rasmi ah kooxo muqalisiin ah u bilaabeen in dadka ka iibiyaan wax ay ugu yeereen 'leeman buufis ah ama dhoof ah' oo qofka ugu dambeynta la geynayo dalka Faransiiska.

 

Jidka cusub ee tahriibka waa uu ka duwan yahay dhammaan kuwii horey loo yaqiinay sida saxaraha Suudaan illaa Liibiya ama dariiqyada kale ee dhanka duulimaadka ee dadka lagu geeyo Yurub ama Laatiin Ameerika.

 

Waa jasiirad lagu magacaabo Mayotta, waxayna hoos tagtaa dowladda Faransiiska oo calankiisa uu ka dul babanayo.

 

Dadka waxaa loo sheegay in marka ay tagaan jasiiradan, sharci ka qadanayaan, kadibna si sahlan Faransiiska ku galayaan.

 

Farxaan Cabdullaahi Maxamed oo ay BBC-da la hadashay ayaa ka mid ah dhallinyarada jasiiradan joogta wax ka badan sanad, wuxuu sheegay in xaalad nololeed oo adag ay ku jiraan Soomaalida Mayota joogta.

 

"Arrinta ugu weyn waa hoy la'aan, dadka waxa ay jiifaan meel iskuul ah, oo waliba hadda laga bixinayo, loona haynin meel kale oo ay ku badeshaan,"ayuu yirı Farxaan.

 

Wuxuu sheegay ın dadka intooda badan ay ku tiirsanyihiin biil qoysaskooda Soomaaliya uga soo diraan.

 

Dadka Soomaalida ah ee ku nool jasiiraddan ayuu qiyaastooda ku sheegay illaa 600 qof, kuwaas oo duruufo nololeed oo adag ku wajahaya halkaas.

 

Farxaan isaga ıyo saaxiibadiis waxa ay barta Facebook kusoo gudbiyaan muuqaalo wacyigalin ah oo ay dhallinyarada uga digayaan in waxa muqalisiinta u sheegaan ay been yihiin.

 

Isaga oo ka hadlayay qaabka dadka lagu tahriibiyo ayuu sheegay in dhul kaymo ah oo ku yaala magaalada Mombasa ee Kenya dadka lagu hayo muddo maalmo ah ka hor inta aanan doon si qarsoodi ah loogu saarin Mayota oo ku taala Badweynta Hindiya.

 

Halkii qof waxaa laga qaadaa inta u dhaxaysa 5500 doolar illaa 7000 doolar.

 

Bishii Sebteembar ee 2024-kii illaa 12 qof Soomaali ah ayaa ku dhintay doon la gadoontay oo la mid ah kuwa uu Farxaan ka sheekeeyay. Bishıı Agoosto ee isla sanadkaasna, 8 qof oo ilmo yar uu ku jiro ayaa ku qurbeeley shil doon oo meeshaas ka dhacay.

 

Hay'adda Socdaalka Caalamiga ah ee İOM ayaa sheegtay xilligaas in ay aad uga xuntahay shilka dhacay, waxaana sidoo kale ka hadashay dowladda Soomaaliya.

 

Mayotte waa jasiirad ku dhow dalka Comoros oo laftiisa jasiirad kale ah, waxayna u jirtaa 70km. Waa dal sabool ah oo uu Faransiiska xukumo, dadka ku noolna yihiin 300 kun oo qof.

 

Afti dadweyne oo la qaaday sanadkii 2009-kii ayay dadka jasiiraddan gebi ahaanba ugu codeeyeen in ay Faransiiska ka mıd ahaanayaan, waxayna noqotay dhulka 101 ee uu Faransiiska ka taliyo, balse ku yaala meel ka baxsan dhulweynaha Faransiiska.

 

Sida uu qirayo Farxaan, dhibka waxaa kusii kordhiyay duufaantii Chido ee bishıı Diseembar ku dhufatay Mayotte, taas oo geysatay dhibaato iyo burbur xooggan.

 

Qaar ka mid ah muhaajiriinta oo u waramay wargeys lagu magacaabo MigrantInfo ayaa ka cawday hoy la'aan, raashiin la'aan iyo xitaa biyo la'aan.

 

Taleefishinka France24 ayaa warbixin uu qorey Oktoobar 2024 wuxuu soo xigtay wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Bruno Retailleau oo sheegaya in ay qorsheynayaan in ay qabanqaabiyaan duulimaadyo ay muhaajiriinta dib ugu celinayaan Afrika, gaar ahaan dalka Congo oo tirada ugu badan ay ka timid.

 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka muhaajiriinta ah ee Mayotte ku nool ay dhanyihiin 150 kun qof, taas ah oo ah kala bar guud ahaan dadka ku nool jasiiradda.

 

Dadka meesha taga ayaa ka yimaada dalka Comoros oo ah dal sabool ah iyo dhulweynaha Afrika , ıyaga oo ku taga doomaha loo yaqaano Kwasa Kwassa.

 

Arrintan ayaa horseedday kacdoon bulshada maxaliga ah, kuwaas oo dhigay mudaaharaadyo, sheegayna in dadka cusub ay la yimaadeen dambiyo.

 

Mid ka mid ah muuqaaladiisa TikTok ayuu Farxaan ku leeyahay 'Nimankan hadda waa lasoo buriyay, ugu dambeyn banaanka la taaganyahay, dadka dadka soo qaldi jıroow, masaakiinta hasoo lugoynin, fiidoowyaal Yurub ınta soo qaadatid ha oran guri ayaa la idin siinaa, 60 Euro ayaa la qaataa, waxaas dadka ha ugu sheekeynin, illaahay ka cabso, eeg wakaas joodaraayaash ayaa lagu jiiftaa, waa la warayaa waakaas'.

 

Dowladda Faransiiska ayaa sanad kasta jasiiradan ka tarxiisha illaa 25 kun qof sida lagu sheegay warbixinada saxaafadda Faransiiska, tan ayaa la sheegay ın muhaajiriinta galisay cabsi badan, kuna kaliftay in ay dhuuntaan halkii kaalmo ay ka raadsan lahaayeen kadib duufaantii ku dhufatay halkan.

 

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka AP bishii lasoo dhaafay, dadka deegaanka ayaa ku kacay qaxootiga, iyaga oo dowladda ku eedeynaya in gargaarkii iyo kaalmadii iyaga la siin lahaa loo leexiyay dhanka soogalootiga.

 bbc/somali


Loading...
Loading...