Marwo Jo Haylen, oo qiratay khalad ay sameysay, kaddib markii la ogaaday inay darawalkeeda gaarka ah u adeegsatay safar shakhsi

0
Sunday February 02, 2025 - 20:53:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Jo Haylen, oo qiratay khalad ay sameysay, kaddib markii la ogaaday inay darawalkeeda gaarka ah u adeegsatay safar shakhsi

    Markii arrintan la ogaaday, Wasiir Jo Haylen ayaa qiratay khaladkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii arrintan la ogaaday, Wasiir Jo Haylen ayaa qiratay khaladkaas
May be an image of 1 person and newsroom



Wasiirka Gaadiidka ee dawladda gobolka New South Wales (NSW), ee dalka Australia Marwo Jo Haylen, ayaa qiratay khalad ay sameysay, kaddib markii la ogaaday inay darawalkeeda gaarka ah u adeegsatay safar shakhsi ah, iyada oo saaxiibadeed u raacday goob lagu farsameeyo khamriga (winery) xilliga fasaxa Maalinta Australia.

Sida lagu sheegayy warbixin uu daabacay The Guardian, wasiiraddu waxay fasaxii usbuuca ku qaadatay meel ka baxsan Sydney, iyadoo gaadhiga rasmiga ah ee dowladda u adeegsatay safarkan, taasoo dhalisay dhaleeceyn xooggan. Waxa kale oo warbixintu xustay in darawalkii gaarka ahaa ee wasaaradda lagu qasbay inuu masaafo dheer kaxeeyo wasiirada iyo saaxiibadeeda, arrintan oo keentay su’aalo la xidhiidha adeegsiga hantida dadweynaha.

Markii arrintan la ogaaday, Wasiir Jo Haylen ayaa qiratay khaladkaas, waxayna si rasmi ah uga raalligelisay dadweynaha. Waxay ballanqaaday inaysan mar kale sidaas yeeli doonin, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto baadhitaanka arrintan lagu sameynayo.

Dhacdadan ayaa si weyn uga falcelisay mucaaradka iyo dadweynaha, kuwaasoo ku eedeeyay wasiirada inay si khaldan u adeegsaday kheyraadka dawladda. Waxay arrintani kusoo beegmaysaa xilli Australia ay xoojisay isla xisaabtanka la saarayo mas’uuliyiinta dawladda si loo hubiyo in hantida dadweynaha loo isticmaalo si waafaqsan sharciga
Loading...
Loading...