Ma u soo kacdaa salaatul-layl
Sleep cycle – waa qaab dabiici ah ee hurdada habeenkii.
Dhamaanteen waan ka dharagsannahay faaidada ay lee dahay in lasoo kaco xilliga danbe ee habeenkii oo Alle weyne la munaajooto, jawigaas daganaanta ah ay dadku wada hurdaan.
Mudo badan waxaan xal u raadinaayay qaabki aan uga soo kici la haay hurdada, waxyaabo badan waan isku dayay الحمد لله xalkii waan helay.
Xilligaan uu qoraalka kusoo gaarayo ma'aqaano waqtiga ay tahay balse waxaan kuu hubaa inay aniga ii tahay hada 2:38 AM, waa habeenkii labaad oo xiriir ah aan soo kacayo, aniga kaligeey ma'ahan Aniga iyo saaxibkey aan daraad la wadaagay ayaa shalay ii sheegay inuu asiga ne xalay soo kacay 2:03 AM, taas ayaa hada igu dhalisay inaa idin sheego,
Sleep cycle – waa qaab dabiici ah ee hurdada habeenkii. Hurdadu waxay martaa lix wareeg, waxaa kuu fiican inaad toosto marka wareeg dhamaado. Mararka qaar, waxaad seexataa waqti dheer balse daal ayaa dareentaa, halka mararka kale aad seexato waqti yar laakiin aad fax fax tahay. Tani way dhacdaa sababtoo ah wareegyada hurdada—haddii aad toosto marka wareeg dhamaado, waxaad dareemaysaa nasasho.
Sleep calculator – waa WEB kaa caawinaya inaad si nasasho leh u toosto. Waxaa loo habeeyay inuu xisaabiyo wareegyada hurdada.
◇ Marka aad geliso waqtiga aad rabto inaad toosto, WEB-ku wuxuu ku siinayaa xulashooyin ku saabsan waqtiga ugu fiican ee aad seexan lahayd.
◇ Waxaad sidoo kale dooran kartaa ikhtiyaarka:
" If you want to go to bed now...
Calculate wake-up time"
Kadib talo saaro Alle, Kadib ne Xilliga aad dooratay niyada ku qabso insha-Allah waad soo kici doontaa
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...