Wasiir Maxamed Kaahin Oo Soo Saaray Amar Ka Dhan Ah Fadhiyo Ay Yeeshaan Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanada Dalku

0
Monday July 22, 2019 - 18:37:09 in News by
  • Visits: 3946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Soo Saaray Amar Ka Dhan Ah Fadhiyo Ay Yeeshaan Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanada Dalku

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Soo Saaray Amar Ka Dhan Ah Fadhiyo Ay Yeeshaan Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanada Dalku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Soo Saaray Amar Ka Dhan Ah Fadhiyo Ay Yeeshaan Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanada Dalku

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa go’aan adag ka soo saartay fadhiyo aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadaan xildhibaanada goleyaasha deegaanada ee dalku.

Related image


Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu sheegay inuu ku mamnuucay in xildhibaanada goleyaasha deegaanada dalku ay yeeshaan fadhiyo aan caadi ahayn oo lagu ridi karo maayarada iyo maayar ku xigeenada dalka.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa warka uu soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:-


"Iyada oo lagu jiro sanadkii ugu dambeeyey ee xiliga loo asdeeyey doorashada oo ah 12/12/2019, iyada oo xildhibaanada goleyaasha deegaanada dalka qaarkoodsi khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan mooshino lagu ridayo maayarada dalka, iyada oo xildhibaanadaqaarkood si badheedh ah xad gudub ugu samaynayaan xeerka iyo sharciga dalka, qaab darada iyo xad gudubyada sharciyeediyo waliba kicinta dadweynaha, iyada oo xildhibaanada arimahaas abaabulayaa ay dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan dadweynaha, taasina ay iska horimaad dadweyne iyo nabad galyo xumo dhaawacaysa nabad galyada guud ee dalka iyo nidaamka dawladnimo.


Hadaba dhamaan gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka dalka waxa la farayaa inaan la qaban Karin kal fadhi aan caadi ahayn oo keenaya mooshin lagu ridayo maayarada iyo maayar ku xigeenada, maadaama oo wakhtigii doorashadu soo dhaw yahay, wakhtigana dalku ku jiro xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in la iskaashado wadajirna looga hortago xaaladaha ina soo wajahay ee cadawgu inoo maleegayo.


Warkan ayaa waxa ku saxeexnaa wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed.


Loading...
Loading...