Shir Lagu soo Bandhigay Hirgelinta Nidaamka Casriga ah ee Dacwadaha ka Dhaca Somaliland
Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa qabtay kulan lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka casriga ah ee loo maamulayo dacwadaha kala duwan ee soo gala dalka, nidaamkaas oo loo yaqaan CMS (Case Management System).
Kulankan oo ka
qabsoomay Caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda
Sare, Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Caddaaladda, Teliyeyaasha Booliska, Ciidanka
Asluubta, hay’adaha garsoorka iyo saraakiil kale oo dowladeed. Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in
nidaamkan casriga ah yahay mid la doonayo in lagu maamulo dacwadaha, kana wada
faa’iidaystaan dhammaanba hay’adaha caddaaladda iyo guud ahaanba qaranka
Somaliland.
"Nidaamka maamulidda
dacwadaha (Case Management System) oo ahaa in la casriyeeyo oo loo beddelo
nidaam casri ah, isla markaana ay hay’adaha oo dhan ama hay’adaha isku xidhan
ee ka soo bilaabma booliska, soo mara Maxkamadaha ee ku dhammaata xabsiga ay
uga faa’iidaystaan, markaa ujeedada maanta (shirka shalay) ugu muhiimsan waxa
weeyaan sidii uu nidaamkaasi uga hirgalay Maxkamadaha dalka ayaannu idiin soo
bandhigaynaa iyo sida uu ugu xidhmay Booliska, Xeer-ilaalinta iyo Xabsiyada,
kadibna marka aynu taas eegno qodobka labaad ee aannu ujeedada ka leedahay waa
sidii loo sii ballaadhin lahaa oo ilayn dambigu meel ayuu ka soo bilaabmaa ama
ka soo galaa dalka (entery point), meelna wuu ku dhammaadaa oo kiiska dambiga
ah waxa uu ka soo bilaabmaa waa booliska oo soo gudbiya, waxaannu ku dhammaadaa
xabsiyada, booliskuna waa hay’adda u horaysa ee marka u horaysaba dambiyada
qabata ama baadha, markaa silsiladeennaasi marka horeba waynu isku xidhnayn oo
waynu wada shaqayn jirnay, laakiin nidaamkan casriyeynta ah ee la adeegsanayo
tignoolojiga casriga ah ee xogta la kaydinayo (data) oo laga faa’iidaysanayo,
isla markaana aynu la jaanqaadayno dunida sidii aynu mid wax-ku-ool ah uga
dhigi lahayn weeyaan ujeedadu,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Waxaannu intaas ku daray; "Mar labaadka marka aynu xogtaas helno, waxa haddana imanaysa sidee ayeynu u sii xoojinaa?
Guddoomiyaha oo soo bandhigay faa’iidooyinka
uu nidaankani leeyahay waxa uu yidhi; "Faa’iidooyinka oo nidaankani leeyahay
waxa ka mid ah in la helo macluumaad iyo xog sax ah (data) iyo in la ogaado
jihadda ay dambiyadu u socdaan (crime directions) ama nooca ay dambiyadu u
badan yihiin oo marka xogta saxda ah la helo waxa la ogaanayaa noocee ayaa
dambiyada ugu badan?, qaybahooda iyo ablo-ablaynta dambiyadaas, kadibna
hay’adaheennan caddaaladda ee isku xidhan taasi maaha shaqadeena ee innagu waa
in aynu la tacaalno dambiga, laakiin hay’adihii kale ee qaranka ayaa ka
faa’iidaysanaya nidaamkan casriga ah, sida hay’adaha qaabilsan arrimaha
bulshada, kuwa dhaqaalaha, hay’adaha waxbarashada, ayaa ka faa’iidan doona,
waayo marka la ogaado waxa ugu badan dambiyada abaabulayn ee dhallinyaradu
samayso (gangs) oo marka tiro-koobku soo baxo ee aynu xogtii (data) helno waxa
loo gudbinayaa qaranka oo dhan, kadibna waxa la odhanayaa maxaa sababay
dambiyadan da’yartu ku kacayso? Ma tacliinta ayaa fashilantay? Ma dhinaca
waalidkaa? Ma bulshadaa oo ma adeegyadii bulshada ayaa liita? Markaa
macluumaadka iyo xogtaas ka soo baxaysaa waa u muhiim qaranka Somaliland.”
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan casriga ah ee maamulka dambiyadu (case management system) uu hadda si fiican uga shaqeeyo Maxkamadaha dalka, isagoo xusay in hawlwadeennada Maxkamadda Sare lagu wada tababaray habkan casriga ah, isla markaana la bilaabay hirgelinta nidaamkaas casriga ah, waxaannu sidoo kale iftiimiyey inuu ka hirgalay Maxkamadaha hoose, halka Xeer-ilaalintana qaab tijaabo ah looga bilaabay, sidoo kalena Boolisku yahay meesha laga soo bilaabay nidaamkan casriga ah.
Waxa kaloo shirkaas
ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo
sheegay in nidaamkan casriga ah ee Nidaamka maamulidda dacwadaha (Case
Management System) uu yahay mid faa’iido u leh qaranka Somaliland, isagoo xusay
in dhaqangelinta habkan casriga ah uu ku xidhan yahay hadba sida loo tayeeyo,
loona awoodeeyo hay’adaha caddaaladda iyo nidaamka dowliga ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isna kulankaas hadal ka jeediyey, ayaa caddeeyey in boolisku ku shaqeeyo nidaam macluumaad ururin iyo falanqayn ah (statistics), waxaannu yidhi; "Dambiyada dhaca bil walba waannu kaydinaa, waana la qoraa, noocyada ay yihiin, wixii dambi ah ee la xukumay, waxa ay baadhistoodu socoto, wixii beenoobayba. Markaa waxa aannu u baahannay oo baahidayadu ay tahay in dambi-baadhayaasha lagu tababaro nidaamkan, si habkan ay Maxkamaduhu ugu shaqeeyaan oo kale.”
Waxa kaloo uu
Taliyaha Boolisku intaas ku daray; "Nidaamkan casriga ah waxa uu faa’iido ku
leeyahay halka Maxkamadda marka aannu kiisaska u soo gudbino aannu ka odhanayno
imisa ayaa la xukumay? Marka habkan la hirgeliyo nidaamkan tignoolojiga ah ee
casriga ah ayaa laga wada daawanayaa oo lagala soconayaa kolba halka ay
kiisasku marayaan oo marka aannu eedaysanayaasha keeno Xeer-ilaalinta ee ay
Xeer-ilaalintuna horgayso Maxkamadda halkan ayaa laga wada daawanayaa, waana
wax aad iyo aad faa’iido weyn u ah. Imminka faraha (fingerprint) horumar ayey
ka gaadheen boolisku oo haddii qofka dambiilaha ah uu is yidhaahdo magaca
beddel ama da’da beddel waxa xogtiisii laga helayaa nidaamkan kaydka xogta ee
casriga ah, markaa dambiiluhu ma baxsan karo, taasna imminka boolisku meel
fiican ayuu ka marayaa, waayo eedaysanuhu haddii uu dambi galay muddo toban
sanno ka hor ah oo uu tobankaas sanno kadib is yidhaahdo magacii beddel waxa ay
xogtiisu ka soo baxaysaa farihii laga hayey ee kaydsanaa,” ayuu yidhi Taliyaha
Boolisku.
Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md. Cabdiqanni Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isna kulankaas hadal ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxaannu yidhi; "Waxa aan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda uga mahadnaqayaa kulankan uu noo sameeyey oo ah kulan ku saabsan nidaamka maamulista dacwadaha (case management system), kaasoo ah mid laf-dhabar ah oo muhiim ah, kana soo bilaabmay Maxkamadaha, isla markaana la soo waday muddo saddex sanno ah, waanan soo dhawaynaynaa cid kasta oo ka qaybqaadatay ama gacan ka gaysatay, waanan uga mahadcelinaynaa bilawgaas iyo curintaas wanaagsan ee ay sameeyeenba.”
Waxa kaloo uu Wasiirku intaas ku daray; "Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, horta nidaamka dowladeed ee dalka Somaliland waa mid gacmaha is wada haysta ee maaha in mid qudha ama waax kaliya ay dhinac ka horumarto, laakiin haddana si wada-jir ah ayaa looga wada qaybgelayaa oo anagu haddii aannu nahay Wasaaradda Caddaaladda iyo Ciidanka Asluubta waxa aannu isku aragnaa ama aannu is leenahay qeexid ahaan in aannu nahay sanduuqii caddaaladda, markaa hannaankani faa’iido badan ayuu noo leeyahay oo waxa badan ayaannu ka ogaanaynaa, gaar ahaan cidda na soo gashay ee jeelasha ku jira iyo cid walba waxa ay ku xuman tahay, xiliga ay bixi doonto, markaa faa’iido badan ayuu u leeyahay dalka iyo dadkaba.”
Kulankan ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa shalay, waxa kaloo lagu falanqeeyey sidii looga wada faa’iidaysan lahaa hannaanka casriga ah ee loo maamulayo dacwadaha iyo habkan tignoolojiga ah ee loo adeegsanayo kaydinta xogaha iyo macluumaadka dambiyada kala duwan ee ka dhaca dalka Somaliland.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland