Ma Cid Gaaraa Sharcigu Qabtaa ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday January 22, 2025 - 14:26:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Cid Gaaraa Sharcigu Qabtaa ( Abdi-Shotaly).

    Kaalintii madaxda iyo hay'adaha dawladda oo aan si cad uga qaadan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaalintii madaxda iyo hay'adaha dawladda oo aan si cad uga qaadan...

Waxaa la yaab ah, in koox yar oo cidna matalin in ay meelahaa ka hadlaan, oo wax ay ku hadlayaan uu weydaarsan yahay qaynuunka dawladnimo, kuna af-gobaadsada beelo magacood. Waxan socda lama qaadan karo, ee sharcigu ma dad iyo beello gaar ah buu qabtaa, qaar-na aanu qaban karin, sidee weeye xaalku, halkay salaadu ka xidhmi la'dahay?
Hadaba runtii, xaajadu waxay ka qaloocan tahay sababahan awgood:-


1. Beelaha lagu af-gobaadsado, oo aan si cad aan iskaga fogeyn sheegashada kooxa-haasi oogaya colaadaha, iyo isku-dhufoshadda beelaha, taasi oo aan wanaag soo kordhin doonin, kala durug mooyaane.

2. Kaalintii madaxda iyo hay'adaha dawladda oo aan si cad uga qaadan mowquf adag, oo loogu sheegayo in ay aad u dhaafsan yihiin shuruucda dalka iyo hay'adaha u leh xaqa dustooriga ah, ee haddii cid ama hay'ad lala xisaabtamayo, ama cid haddii ay bixin weydo cashuuraha ku waajibka ah, sida loola tiigsado qaynuunka lana mariyo xeerka qaranka.
3. Haddii aan la is-weydiin, hantidii qaranka sidda guryihii iyo dhulkii horay loogu wareejiyey shakhsiyaad, waa in la hubiyo, in si sharciga waafaqsan loo bixiyey, mise qoys, xigto, qaraabo ayaa eex ahaan loo siiyey, mise saami- lay baa laga noqday bixin-teeda, mise dhaqaale shakhsiyeed baa looga faa'iidaystay, waa in Gudi Baadhi-taan loo xilsaaro.
4. Arrinta kale ee u baahan baadhi-taan dhammaan,waxa weeye, dadkii sidda nabad-gelyada u banaan-baxayey ee lagu laayey dalka
Sababahan awgood.

Waxaa lagama maarmaan ah in lagu dhiiri-geliyo hay'adaha dawliga ah in ay gutaan waajibaad-kooda oo shakhsi-yaadka wadda abaabulka iyo kicinta loo sheego in ay tabasha-dooda u maraan dariiqo sharciga ah, oo aanu qofna ka sarayn karin sharciga, ciddii wadda af- lagaadooyin iyo eedeymo cadeyn la'aan ah, in talaabo sharci ah laga qaado.
Maamulka cusubi, ma garanaayo waxa uu eegaayo dadka qaska ka wadda caasimadda hargeysa, ee xaq-darradda ku doodaaya, kuna socodda gar-darradda aan geed-na loogu soo gaban, xataa askartii baa intay dharcad soo xidhaan dadka kicin ku abaabulaaya, aynu is waydiino ee maxaa siya ee khaladan. Maamulka weli waa laga sugayaa hir-gelintii xasilinta dalka, dadka iyo ka dambayntii sharciga, oo ah in uu isagu cid walba ka sareeyo. Haddii wax jala socon maayaan.
*N.B Waa In Aanay Jirin Cid Sharciga Ka Saraysaa.
Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...