Somaliland oo Rajjo Fiican ka Muujisay in Mareykanku kala Shaqayn-doono Dimuquraadiyada iyo Dhaqaalaha

0
Wednesday January 22, 2025 - 14:20:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Rajjo Fiican ka Muujisay in Mareykanku kala Shaqayn-doono Dimuquraadiyada iyo Dhaqaalaha

    Madaxweynaha Qaranku waxa uu sidan ka sheegay hanbalyo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Qaranku waxa uu sidan ka sheegay hanbalyo...




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa rajjo fiican ka muujiyay in madaxweynaha cusub ee loo dhaariyay hoggaaminta dalka Mareykanka uu kala shaqayn doono arrimaha mudnaanta u leh Qaranimada Somaliland.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump uu ka filanayo in uu is waafajin doono iskaashiga iyo danaha ay wadaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Mareykanku ee ay ugu horrayso nabadgelyada iyo horumarinta Dimuquraadiyada JSL.

 

Madaxweynaha Qaranku waxa uu sidan ka sheegay hanbalyo uu u direy madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump. Geesta kale waxa uu xusay in uu xoojin doono xidhiidhkii soo jireenka ahaa ka dhaxeeyay labada dal, waxaanu dhigiisa Mareykanka u rajeeyay inuu dalkiisa u horseedo baadhaadhe iyo barwaaqo inuu gadhwadeen ugu noqdo mudada uu xilka hayo.

 

Dhanka kale Mareykanka ayaa wada dadaallada ay ku doonayaan in Washington ay xafiis dibulumaasiyadeed ka furato caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa.

 

Guddidan Sanet-ka iyo Congress-ka ayaa 15 kii bishan dowladda Maraykanka ka codsatay in ay xafiis dibulumaasiyadeed ka furato Somaliland.


Loading...
Loading...