Soomaaliyeey Toosa
Adduunka waxa ku nool Qoomiyado tiro badan,qoomiyadahaasu waxa ay badankoodu wadaagaan dhaqan, diin iyo deegaan. Wadaagaas ay waxyaabo badan wadaagaan ayaa sababa iney noloshoodu ku saryooyaan qaab nololloodkooda.
Waxa ay isku dayaan ina aaney iyagu caqabad isku noqon, ee ay noqdaan Ul iyo Diirkeed. Maadaama ay wadaagaan dhaqan, diin iyo deegaanba, waxay aaminaan in aan loo kala sheekaynin oo aan loo kala waramin, Waxa ay yeeshaan cadow aan iyaga ahayn, ee iyagu cadow iskuma noqdaan, waxaana sababaya iney cadow yeeshaan, qoomiyadaha kale duwan ee ay deegaanka wadaagaan, oo ay kala dhaqan iyo diin duwan yihiin.
Dhulkan weyn ee uu Eebbe Weyne abuuray qoomiyad kasta waxa ay la wadaagtaa deegaanka qoomiyado kale, sidoo kale qoomiyad kastaa waxa ay hirdan iyo loolan kula jirtaa qoomiyada ay deegaan ahaan is xigaan.
Mararka qaarkoodna waxa ay galaan dagaalo badan oo lagu hoobto, laakiin marka ay qoomiyaduhu is dagaalayaan, ee laba qoomiyadood uu dagaal dhex marayo, qoomiyad kasta waxa iyada dhexdeeda ka jirta midnimo xoogan, taas oo sababta ugu weyn u ah iney qoomiyada kale iska celiso, oo ay dagaalka ku dhiirato, iyadoo awoodeeda soo bandhigaysa.
Waxa Iyana dhacda iney qoomiyada kala dhaqanka iyo diinta duwan ee deegaan ahaan is xiga ay u midoobaan, qoomiyad ama qoomiyado kale oo iyaga cadow ku ah jiritaankooda. Midowgaas oo mararka qaarkood noqda, mid ku sar go’an xaalado gaar ah, sida xaalad dagaal lays difaacayo iyo mid la weerarayo, oo ay qoomiyado ka awood weyn ay u midoobayaan.
Iyo midow ku sar go’an xilli walba, iyagoo amnigoodu mar walba halis ku jiro oo u baahan in mar walba diyaar gorow lagu jiro.
Midowgaas joogtada ah ee u dhexeeya qoomiyado kale duwan, wuxuu badanaa noqdaa mid yeesha nidaam dowladeed, oo iyaga dhexdooda yeesha nidaam iyo xeerar ay ku kala badbaadaan, ku heshiiyaan in dantoodu mid ay tahay, cadowgooduna uu mid yahay, sidoo kalena ay samaystaan xeerar lagu heshiiyey oo ka hor tagaya wax kasta oo burburinaya midnimadooda, meelna ay uga soo wada jeestaan.
Midnimadaas dhex martay qoomiyado kala dhaqan iyo diin duwan ee xoogaysatay, kana xoogan in lakala furfuro ayaa ugu dambayn yeelata awood, aaney lahayn qoomiyadaha aan midoobin, ee qoomiyad kastaa ay cadow la tahay qoomiyada ay deegaanka iska gaadhaan, amaba qoomiyada iyada dhexdeeda is dilaysa.
Awoodda ay helaan qoomiyadaha mideeyey danahooda, waxa ay sababtaa iney awoodooda kordhiyaan, waxa ay bilaabaan iney samaystaan dhul balaadhsi iyo iney isku dayaan iney qoomiyadaha kale adoonsadaan, oo ay danahooda ka helaan, wixii ay khayraad leeyihiin qoomiyadaha ay adoonsanayaan way kala wareegaan, waxa ayna ka dhigtaan shaqaale dulaysan oo iyaga danahooda u qabta. Ficilka noocaas ah ayaa ugu dambayn sababa iney kolba kusii fidaan qoomiyada kale ee aduunka ilaa ay ka noqdaan kuwa adduunka xukuma oo ay taladoodu ka shaqayso, waxa ay doonayaana loo yeelo waxa ay diidaanna la diido.
Qoomiyada Aduunka soo xukumey ee saamaynta iyo awooda ku yeeshay waxa ka mid ah;-
ü Roomaanka:waxa ay ka talisay badhtamaha qaarada yurub, galbeedka aasiya iyo waqooyiga afrika, waxayna talinaysay kumanaan kun oo sanno, wakhtigan la joogana waa awood jirta.
ü Mongooliska: waa qoomiyada ku nool wadanka mongoliska ee ku yaal bariga aasiya, waxa uu ka taliyey aasiya ilaa bariga yurub, waxa uu talinayey qarigii 13aad ilaa 14aad, isagoo ka talinayey dhul cabirkiisu yahay 23,500,000 km2.
ü Ingiriiska: waxa ay noqotay boqortooyada ugu weyn adduunka ee soo marta iyadoo ka talin jirtay dhammaan qaarada aduunka, intii u dhaxaysay qarnigii 16aad ilaa 20aad, haddana waa awood adduunka ka jirta.
ü Jayniiska: boqortooyada jayniisku waxa ay ahayd awood jirtay, oo in ka badan kun sannadood talinaysey, imika ah awood jirta.
ü Turkida: waxa ay adduunka ka talin jireen qarnigii 13aad ilaa qarnigii 20aad, waxa ay ka talin jireen koonfur bari yurub, galbeedka aasiya , waqooyiga iyo bariga afrika.
ü Qoomiyada kale ee adduunka saamaynta yeeshay waxa ka mid ah:-
Ø Giriiga
Ø Masaarida
Ø Boqortooyada maali
Ø Beershiyaanka
Ø Isbaanishka
Ø Ruushka
Ø Jabaaniiska
Ø Baysantiiniyiinta
Ø Faransiiska
Ø Baantuuga
Ø Simbaawiyiinta
Ø Xabashida
Ø Buurtaqiiska
Ø Carabta
Kuwaasi waa awooddo hore adduunka qaybo ka mid ugasoo talinayey, xilliyo iyo goobo ka duwan, saamayna ku yeeshay adduunka. Awoodaha wakhti xaadirkan adduunka ugu awooda weyn Iyana haddaan raaciyo waxa ka mid ah, wadamadan:-
ü Maraykanka
ü Jaynaha
ü Ruushka
ü Hindiya
ü Jarmanka
ü Ingiriiska
ü Faransiiska
ü Jabaanka
ü Turkiga
ü Iiraan
ü Sucuudiga
ü Masar
ü Kooriya koonfureed
Intaasu waa iga hordhac aynu kusoo noqono mowduuca iyo ujeedada maqaalkan kooban iyo magaca maqaalka ee ah soomaaliyey toosa.
Adduunku intuu jiray, inta lahayo sooyaalka soomaalida, waxa ku suntan, iney yihiin:-
ü Hal qoomiyad oo dega geeska afrika.
ü Qoomiyad haysta dhaqan, diin iyo deegaan is xiga.
ü Qoomiyad u taal qabiil qabiil.
ü Qoomiyad waligeed is dilaysey inta taariikhda la hayo, ilaa haddana is dilaysa.
ü Qoomiyad la gummaystay, laakiin neceb in la gumaysto, dagaalo adagna kala hortimid, aana u dulqaadan in la gumaysto.
ü Qoomiyad aan iyado is hogaamin, oo aan u diyaar sannayn in ay hogaan ay ka dambayso yeelato.
ü Qoomiyad ay saameeyeen Abaaro, qorshena aan ka yeelan.
ü Qoomiyad ay barakiciyaan daadad, qorshena aan ka yeelan.
ü Qoomiyad Muslim ah boqolkiiba boqol, oo deris la ah qoomiyado kiristaan ah.
ü Qoomiyad shan qaybood loo kala qaybiyey, oo qayb waliba qaybteeda ku qanacsan.
ü Qoomiyad waxa ay qoomiyad kastaa ku faanto iyadu ka faanto sidda, shaqada , beerashada, kalluumaysiga, xoolo dhaqashada, ikk.
ü Qoomiyad weyday Hogaamiye ku midaysantahay.
ü Qoomiyad adduunka kaga jirta kaalinta ugu hoosaysa qiimayn kasta.
ü Qoomiyad haysata khayraadyada adduunka ugu badan, balse ka gaajoonaysa.
ü Qoomiyad aan Rajo Mustaqbal oo ifaya rajaynaynin.
ü Qoomiyad haysata fursado muhiim ah oo aaney haysan qoomiyadaha jaarka la ah.
Haddaan si kooban suugaan ugusoo qaato xaalada soomaalida, Maansadan Baraarug ee uu tiriyey Abwaan Xasan laabsaalax ayaa inoo iftiiminaysa xaalkeena.
Bulsho qaniya oo baahan
Biyo haysatoo oomman
Beera qodato oon maarmin
Xoola badan leh oo caydha
Bad leh oon kalluun dheefsan
Berrigeeda dihin dhaadin
Shidaalkeedu buux dhaafay
Bilaalana ka soo saaran
Buura dahaba hoos joogta
Gaajana basteed taagan
Waa sida bahdeennaase
Soomaalidu inta taariikhda la hayo, waxa kasoo taliyey oo aykusoo noolayd nidaamyo kala duwan sida:-
Ø NidaamQabyaaladeed
Ø NidaamGumaysi
Ø NidaamDumuqraadiyad
Ø NidaamShuuciya
Dhammaan waa nidaamyo aan dadka soomaaliyeed aaney mahadin, wanaagna aaney ka sheegin.
FURSADAHA AY HAYSATO SOOMAALIDU
Soomaalidu waa iney dib u eegis qoto dheer isku sameeyaan, oo ay Su’aalaha mudan in lays waydiiyo, warcelino u helaan.
ü Maxaa aynu haynaa taariikh aynu isku raacsannahay, maxaynu isku diidanahay?
ü Maxaa inaga khaldan, maxaa inoo saxsan?
ü Maxaa aynu ka gaabinay?
ü Maxaa aynu ku wanaagsannahay, maxaynu ku liidanaa?
ü Maxaynunacebnahay, maxaynu jecelnahay?
ü Maxaacaqabad ah oo inna haysta, maxaa fursad ah ee aynu haysanaa?
ü Maxaasuurta gal ah ee aynu sammaynkarnaa, maxaan suurta gal ahayn?
ü Yaa fara galin shisheeya innagu haya, yaan fara galin innagu haynin?
ü Yaa wanaageena jecel, yaa xumaanteedajecel?
Soomaalidu waa leh dhaqamo jaahilnimo ku ladhan tahay, balse garanaya xaqiiqada iyo waxa sax ah, tusaale waxa aad arkaysaa dad odoyaal ah oo yara dareemay cabasho yar oo ay ka dareemay dawladda, markaasbuu intuu warbaahinta soo istaago, wax kasta oo aan afka lasoo marin Karin, halis amni iyo halis bulsho ba lasoo taagay, "Haddii arintaas si degdeg ah wax looga qaban waayo, walaahay bilaahay tolaahay ina aaney dowlad sii ahaaneyn, wixii ka dhacana anagu kama masuul nihin”, marka aad warbaahinta ka daawato sidda ay u hadlayaan, ee ay ku andacoonayaan iney midnimada, wadajirka iyo dawlidnimad duminayaan, waad yaabin oo amakaag iyo anfariirbaa la tacajabin, oo waxa aad is odhan dawladdu xumaa, dadkan maxay u dulmiday. Waxa maskaxdaada kusoo dhacaya in dalku meel halis ah marayo, oo laga yaabo inuu dagaal sokeeyo qarxo. Laakiin markaad baadhis ku samayso dadkan sida daran ee kulul u hadlaya, waa maxay cabashadoodo, waxa kuu soo baxaya iney dowladdu sax tahay, ee aaney jirin wax khalad ah oo lagu sameeyey, Haddana waxa aad isleedahay war dadkan juhalada ahi maxay ahaayeen, adigoo aqoondaradooda la yaaban, hadaad fursad u hesho inaad la sheekaysato, oo aad baadhitaan ku samayso, aragtidooga, waayo aragnimadooda, iyo hab fahanka dowladnimada, waxa aad ku qiiimaynin aqoontooda bulshada iyo dawladnimada ay u leeyihiin, mid u dhiganta heerka labaad ee shahaadada jaamacada (master degree) ama heerka saddexaad (PHD).
Mar haddii dhaqankeenii sidaas aan kore uga soo sheekeeyey noqday, so in aynu runta isku sheegno maaha, so in aynaan is waalwaalin maaha, so in aynu xaqiiqada ku noolaalo maaha, so in aynu miyir qab ku dadaalno maaha, so in aynu degenaanta ilaalino maaha, so in aynu hubsiimada badino maaha, so in aynu nabada ilaalino maaha, so in aynu dowladnimada ilaashano maaha, so in aynu wadajirkeena ilaashamo maaha, so in aynu colaada meel ugasoo jeesano maaha, so in hadaf nololeed samaysano maaha.Waxa aan u malaynayaa in jawaabtu tahay HAA.
Soomaali waxa ay haystaa dhammaan waxyaabaha mideeya dad;
ü Waa hal qoomiyad,
ü Waa qoomiyad meel wada dega,
ü Waa qoomiyad haysta hal dhaqan,
ü Waa qoomiyad isku diin ah.
Mar haday intaas wadaagaan, iney midnimadooda xoojiyaan waa waajib, oo ay danahooda mideeyaan, dhinacna uga soo wada jeestaan waxa dhibaato ku ah danahooda, si ay u noqdaan ul iyo diirkeed.
Taariikhda soomaalidamarkaad eegis iyo baadhis ku samayso, ma helaysid Guulo Waaweyn oo ay si wada jir ah u gaadheen, ma helaysid Nidaam Balaadhan oo ay wada hoos tageen oo ay soomaali leedahay. Markaa waxa loo baahan yahay in hab fikirkii hore ee inta aynu jirney meesha ka saarno, oo inagoo adduunka eegayna qaabka uu u danahooda ugu midoobayo, aynu inagunu ugu midowno.
Maxaa dhici kara haddii ay soomaali midowdo, siddee baase lagu midoobi karaa?
ü Waxa jira habab kale duwan oo soomaali ay ku midoobi karto, sidda in dowladii dhexe ee soomaaliya dib loo soo celiyo, la xoojiyo, la middeeyo, oo ay xoog kusoo cesheto dhulalkii ka maqnaa ee soomaalida itoobiya, soomaalida kiinya iyo soomaalida jabuuti, halkaasna lagu sameeyo dawlad weyn oo soomaaliyeed. Kaasi waa qaab ay soomaali midnimadeeda kusoo ceshan karto.
ü Waxa iyada jiri karta in ay Shanta Soomaaliyeed, qayb walba deegaanka ay jirto, iyo duruufta ay ku nooshahay ka halganto, horumarna ay ka samayso.
Soomaaliya;waa iney ka halganto duruufahan oo ay horumar ka samaysaa, si loo helo soomali xoogan
§ Sidii loo heli lahaa degenaansho siyaasadeed, oo qayb ka tahay xalinta dagaalada sokeeye ee qabiilaysan iyo dhisida dowlad dhexe oo xoogan.
§ Xallida amniga, oo ay kow ka tahay ururka alshabaab, oo ah caqabada koobaad ee haysta amniga soomaaliya.
§ La dagaalanka; qabyaaldaada, abaaraha soo noqnoqday, fatahaadaha, hooseynta tayada waxbarshada, nugaylka bulshada, musuqmaasuqa, hooseynta adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha, barakaca iyo quxuuntiga.
Soomaalida itoobiya; si loo helo soomaali xoogan, waa iney ka halganto oo ay horumar ka samayso duruufahan qalafsan ee ay ku jirto.
·Khilaafka iyo amni darada ku salaysan qabyaalada
·Kobcinta dhaqaalaha; maamulka soomaalida waa gobolka ugu hooseyeeya dhaqaalale ahaan gobolada itoobiya, iyadoo heerka shaqo la’aan ee dhalinyaradu ay aad u sarayso, sidoo kalena ay hoosayso heerka kaabayaasha dhaqaalaha.
·Waa in lala dagaalamo; abaara, waxbarasho la’aanta, yaraanshaha adeega caafimaad iyo qabyaalada.
·Sidoo kale waa in ay halgan u gasho siddii ay uga dhex muuqan lahayd siyaasada dowlada dhexe, oo ayna awood wax u jarta u heli lahayd.
Soomaalida kiinya;waa in ay dadaal dheer u gasho siddii ay ku heli lahayd xuquuqdooda ay ka mid tahay.
·Matalaad siyaasadeed oo awood leh.
·Xal u helida caqabadaha dhaqaalaha.
·Helida xuquuqda dowladnimo; caafimaad, waxbarasho, baaraboor, iyo addeegyada kale ay dowladu siiso muwaadiniinteeda.
Jabuuti;oo ah dowlad soomaaliyeed oo madaxbanaan, waxa haysta caqabado u baahan in la xaliyo, si loo helo soomaali awood leh oo geeska afrika ka taliya, waxaa ka mid kuwan hoose.
·Xal u helida shaqo la’aan iyo faqriga oo aad u sareeya.
·Helida ilo dhaqaale oo madax banana; dhaqaalaha jabuuti waxa uu ku tiirsan yahay adeegyo ay siiyo wadamo dhowr ah, wadamo ay saldhigyo ka kirayso iyo itoobiya oo badeeda kala soo degta badeecooyinka aduunka kasoo iibsato.
·Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha
·Kobcinta iyo horumarinta afka soomaaliga
Haddiisoomaaliya ay halgan iyo dadaal u gasho sidii ay collaadaha iyada dhexdeeda ah u dhammayn lahayd, niddaam adag oo cadaalad ahno loo sammaynlahaa, marka laga reebo soomaaliland, maamul goboleedyada kale ay kusoo xerayn lahayd dowladda dhexe nidaamka federaalka oo aan danteeda ka shaqaynina meesha ay ka saari lahayd. Soomaalilaand iney iyaduna nabada ay haystaan uga dhalin lahayd horumar iyo midnimo. Haddii sidaas la helo oo soomaaliya iyo soomaaliland noqoto, halka ay imika ka yihiin, Banaadir,Butlaand, Koonfur-Galbeed, Galmudug, Hirshabeele, Jubalaand, Khaatumo iyo Soomaaliland. Midnimadu waysoo dhawaanaysaa, siddii hore wayka wanaagsanaanaysaa. Soomaalida itoobiyaay iyaduna midnimahadooda iyo danahooda dadaal iyo halgan ugu galaan, oo ay ku tartamaan in ay xilalka ugu sarreeya itoobiya qabtaan, danahooda , midnimadoodana iyo ta geeska afrikaba ay ku ilaashadaan, waa qayb muhim ah oo soomaali u dan ah, sababtoo ah sharci iyo dastuur u diidaya ma jira. Soomaalida kiinya Iyana wax u diidaya iney sidaas sameeyaan ma jirto. Soomaalida jabuuti Iyana iney ka shaqeeyaan wanaagooda iyo horumarkooda waa arin qiiimaha soomaalida geeska afrika awood siinaya.
Kasoo qaad waxa dhacay soomaaliya awood leh , dowlad dhexena ka talisa, jabuuti oo horumar la taaban karo samaysey, soomaalida itoobiya oo xukuma dalka itoobiya, soomaalida kiinya oo Iyana xukuma dalka kiinya. Haday sidaasu dhacdo oo dabcan macquul ah, waxa ay soomaalidu noqonayaa awooda ka talisa geeska afrika. cid fursadaas haysata oo aan soomaali ahayne ma jirto, cid sharciyan u diidi kartaana ma jirto. Soomaali fursadaas muhiimka ah ayey haystaa ha toosto.
W/Q: Yoonis Suldaan Aadan
DHAMMAAD
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!