Ma u shaqayn karaa sida adag ee Elon Musk?

0
Saturday January 18, 2025 - 12:24:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma u shaqayn karaa sida adag ee Elon Musk?

    Waa kuwan 4 shay oo uu sameeyay oo aad sidoo kale dabaqi karto:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kuwan 4 shay oo uu sameeyay oo aad sidoo kale dabaqi karto:

Elon Musk, waxaa uu leeyahay habdhaqan shaqo oo sida mishiinka oo kale ah.
U shaqaynta si adag sida Elon Musk ma aha mid adag halhal ahaan, waxay ku xidhan tahay inta tiro ee hawlqabad, laakiin taasi waa tan ka dhigaysa mid adag.
Waxa ugu dhibka badan ee lagu heli karo adkaysigan, ma aha waxa aad geliso ama qabato, laakiin, waa waxaad ka joojiso, ee aad naftaada ka quusgoyso.
Waa inaad fahantaa in Elon Musk uu xaqiiqdii leeyahay habdhaqan shaqo oo cajiib ah, laakiin maaha mid meel kale ka yimid.


Waa kuwan 4 shay oo uu sameeyay oo aad sidoo kale dabaqi karto:

1. Gurigaaga ka saar wax kasta oo aan shaqada lug ku lahayn.

Elon Musk waxaa uu dhabtii seexdaa xafiiskiisa. Waxaa uu isku xeeray shaqadiisa. Waxaa uu la nool yahay shaqadiisa. Ta ugu muhiimsana waa inaad guriga ka saartaa wax kasta oo ay suurtagal ka dhigaya in uu shaqada kaa jeediyo.

2. Diyaar u noqo inaad wax kasta u hurto

Mar kasta waxa aynu aragnaa, guulaha joogtada ah ee Elon Musk , balse waxa aynaan ogoyn sida nafhuridda ah ee u shaqeeyo.
Marka aad shaqayso in ka badan 100 saacadood toddobaadkii; maalintiina aad shaqayso 14 ilaa 15 saacadood, waxa aad haysataa wakhti kugu filan oo aad seexato oo aad wax ku cunto, taas oo aad uga yar wax kasta oo yar.
168 saacadood marka uu toddobaadkii yahay; marka aad 100 saacadood oo shaqo ah ka goyso; 8 saacadood oo hurdo maalinle ah ka goyso; 12 saacadood ayaa kuu soo hadhaya toddobaadkii, si aad wax u cunto, jimicsi u samayso iyo inaad waqti la qaadato asxaabtaada . ( Innagu Muslin ahaan, waqtigii Salaadaha ayaa ku dareynaa)

Intaas aynu soo sheegnay , haddii aynu ku bixinno 10 saacadood , waxaa kuu soo hadhaya 2 saacadood oo aad wax walba qaban karto; waa inaad maanka ku haysaa in tani( 2 saacadood) ayna kuugu xisaabsanayn waqti nasasho!
Celcelis ahaan qofku waxaa uu shaqeeyaa 40 saacadood toddobaadkii , wuxuuna haystaa 72 saacadood oo ku bixiyo qoyska, asxaabta iyo naftiisa.

3. Si shuruud la'aan ah u shaqee.

Shaqee, shaqee , oo shaqee adiga oo aan qaadanayn wax nasiinno ah.
Waxa aad lumin doontaa diiradsaaridda, mararka qaar waxaad nici noloshaada, naftuna waxa ay iska jeclaan doontaa nasasho, laakiin haddii aad sidaas samayso, waligaa ma horumarin doontid basarka/ka-adkaanta nafta( discipline) taasi oo aad raaci lahayd, marka ay xaalladu adag tahay.

Shaqada wad xitaa haddii wax waliba lid kugu yihiin ; xitaa haddii dareenkaagu annu kugu raacsanayn. Iska ilow fikradda odhanaysa, waa inaad ahaatid mid niyadgelin haysta, oo faraxsan ama dareemaya in uu shaqada ku wanaagsan yahay; balse waa inaad shaqaysaa adiga oo aan niyad hayn, caajisan oo raba inaad seexato.

4. Samee doonis aan leexleexad lahayn oo loogu talagalay shaqadaada.

Tanina waa halka ay isku soo biyashubanayso, waa halka soo karkarinaysa doonista, waa halka ay wax waliba ku dhammaanayaan: riyadaadu ma tahay mid ku dhaqaajisa oo kaa dhigta mid wax qabta? Haddii ayna sidaas ahayn, waxaa aan shiki ku jirin, inaad ku guuldarreysanayso in aad samayso habdhaqanka adag ee shaqo.
Elon Musk, waxaa uu leeyahay riyo aan sii dayn karin, xitaa haddii uu rabo isagu. Wey niyadgelisaa ama xoog bay u dhiirrigelisaa, waxa ayna ka dhigtaa in uuna joojinteeda u lahayn ikhtiyaar. Waxa ayna isaga u tahay in joojinteedu uga dhigan tahay sidii inuu dhintay oo kale, taasina si dhab ah ayaa uu u rumaysan yahay!

Ugu dambeyntii, anigu kuma lihi noqo Elon Musk, laakiin waxaan ku leeyahay sida adag ee uu u shaqeeyo, waad u shaqayn kartaa; balse u samee oo ku shaqee shurruudo adigu leedahay.
Tani waa noloshaadii maaha mid cid kale, waxaad rabtaa inaad ku noolaato, waa inaad ugu noolaataa sida kuugu fiican, waa inaad wacan wax u qabataa.

W/T: Maxamed Haybe Axmed
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...