Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno!

0
Friday January 17, 2025 - 18:40:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno!

    Ma idinka yeeli doonno Xassn Sheekh ayaa doorasho dadban ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma idinka yeeli doonno Xassn Sheekh ayaa doorasho dadban ...

May be an image of 5 people, dais and text


Ma idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh ma difaaco badda Soomaaliyeed, oo waxaan marqaati ka nahay dadaalkii uu ku bixiyey Iyo guushii uu ka gaaray murankii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Sannadkii 2024 mawqifkii caddaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sabab u ahaa in Itoobiya looga adkaado fagaarayaasha diblumaasiyadda caalamka, taas oo ku soo dhammaatay in MoU-gii ay Itoobiya lsaxiixatay Somaliland uu meesha ka baxo. Intaa waxaaba dheer in Dowladda Federaalka ay xiriir fiican la yeelato dalal gobalka ku yaalla oo aysan Itoobiya isjeclayn sida Masar Iyo Eretriya.

Ma idin ka yeeli doonno Xassn Sheekh ayaa muddo kordhin raba oo waxaan u soo joognay in sannadkii 2016 kii siyaabo kala duwan loogu soo jeediyay inuu labo sano oo dheeraad ka ah muddo xileedkiisa ku darsado, soojeedinnadaas qaar waxay ka imanayeen beesha caalamka. Hase yeeshee madaxweyne Xasan ayaa diiday, wuxuuna galay doorashadii dadbanayd ee looga adkaaday.

Ma idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh waxba ma qaban oo kuwa qaylinayo ayaa wax qaban karo. Waxaa marag ma doonto ah amniga magaalada Muqdisho sida uu isku beddelay. Ma jiraa qof magaalada cabsi ku dhex socdo oo qarax ka baqayo? Ma jiraan baabuur ka baxaya boosteejooyinka Bakaaraha Iyo Saybiyaano oo wada dad u dacwoonaya maxkamadahii argagixisada ee goballada? Ma jirtaa canshuurtii argagixisada la siinayay iyadoo Kontaynarka aanu dekedda Xamar imaanin? Waxaan og nahay ilaa 700KM la xoreeyay, cunaqabatayntii hubka la qaaday, Deyntii dalka cafinteeda la dhameystiray, Soomaaliyana ay xubin ka noqotay Bulshada Bariga Afrika. Sidoo kale wuxuu dalkeennu maanta 54 sano ka dib fadhiyaa Golihii Amaanka oo uu qeyb ka yahay go'aan-gaarista arrimaha caalamka.

Ma idinka yeeli doonno Xassn Sheekh ayaa doorasho dadban ka baqaya oo waa kii laba jeer ku soo najaxay haddana ka shaqeeynaya doorasho dadweyne oo idinka, anaga iyo dadka Soomaaliyeed u dan ah.
Ma idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh ayaa kaligii taliye ah oo 2016-2017 u qabtay dorasho xor iyo xalaal ah oo kursiga looga qaatay

Waxa keliya ee aan idinka yeelayno waa in aad na dhahdaan; duqa waxaan ku haysannaa in uu noo ogolaan waayay inaan gaariga shirka kula fadhiisano oo aan la kaxeyno. Taasna duqu asaga ma diidin, ee waxaa diidday natiijadii doorashadii May 2022 oo soddomeeyo nin oo aad ku tartanteen ka soo dhex saartay hal darawal oo gaariga wada.

Fadlan inoo oggolaada in dalkaan ka gudbo doorashadii dadbaneyd ee laaluushka iyo foolxumada badneyd, si dhallinayarda aan ka mid ahay fursad u helaan.

Qalinkii  Shador Haji Mohamud
Loading...
Loading...