Ku dhiirro in aad riyadaada aad u halganto oo aad kaga dhabayso.

0
Friday January 17, 2025 - 15:24:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhiirro in aad riyadaada aad u halganto oo aad kaga dhabayso.

    Ku dhiirro in aad naftaada dhisto oo aad mar walba aqoon kororsato...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhiirro in aad naftaada dhisto oo aad mar walba aqoon kororsato...



U dhiirro sidii hooyadeen khadijah binti khuwaylid (RA) ay ugu dhiirratay in ay dareenkeeda guur ay soo bandhigto oo ay guursato wiil ka yar, ka dhaqaale yar, iyada u shaqeeya, horayna aan u soo guursan iyada oo horay laba nin oo kale u soo guursatay ubadna u soo dhashay.

Ka waran haddii ay Khadijah ku dhiirran waayi lahayd in ay dareenkeeda sheegto oo ay guursato Muxammad Salalaahu calayhi wasalam?! Kawaran haddii ay u hogaansami lahayd xayndaabyo dhaqameedyada khaldan ee dhaqankeedu dumarka ku xiray? soo fursad qaali ah ma aysan dhaafteen?! Ku dhiirro in aad jabiso xayndaab kasta oo loo dhigay in lagu wiiqo qofnimadaada iyo hormarkaaga.

Ku dhiirro in aad naftaada dhisto oo aad mar walba aqoon kororsato, bulshadana wixii awoodaada ah aad ku soo kordhiso oo aad wax u tarto.

U dhiirro sidii Faadumo Al fihriya ay ugu dhiirratay in ay dhisto jaamacaddii ugu horaysa ee aduunka laga furo taas oo laba boqol oo sano ka horaysay jamacaddii ugu horaysay ee qaaradda Yurub laga furay.

U dhiirro sidii khadiijah binti khuwaylid (RA) ay ugu dhiirratay in ay ganacsato xilli dumarka nolosha lagu aasi jiray.

Ku dhiirro in aad naftaada qiimaheeda barto oo aad ku dadaasho dhisideeda. Masuuliyada koobaad ee naftaadu cidda ay saaran tahay ee lagala xisaabtami doono waa adiga. Si buuxda u qaado masuuliyadda naftaada kaa saaran.

Ku dhiirro in aad naftaada ka dhaydo oo aad ka soo kabato dhaawacyada waayaha iyo imtixaanaadka aduunka.

U dhiirro sidii Nusaybah Bint Kacab (RA) ay ugu dhiirratay in ay seef qaadato oo ay rasuulkeena (SCW) ay difaacdo dagaalkii Uxud oo meeshii ugu xumayd maraya.

Ku dhiirro in aad mar walba oo aad kuftaba, aad boodhka iska jafto oo aad kor u kacdo.

Hablahaygu dhiirida

#faadumo Yuusuf


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...