Taliska Ciidamada Ilaalada Xeebaha oo Digniin ka soo Saarey Gelista Badda

0
Friday January 17, 2025 - 14:21:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidamada Ilaalada Xeebaha oo Digniin ka soo Saarey Gelista Badda

    Qoraal digniina oo uu soo saaray taliyaha guud ee ciidanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal digniina oo uu soo saaray taliyaha guud ee ciidanka



Taliska ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa digniin culus ka soo saaray in la galo gudaha badda, laga bilaabo shalay ilaa toddobaad gudihii sababa la xidhiidha dabeylo xoogan oo ku soo wajahan bada, taasi khatargelin karta naf iyo maalba ciddii bada gudaheeda ku sugan.

 

Amar digniina oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha JSL, ayaa waxa fariin xanbaarsan wacyigelin waxa loogu diray kalluumeysatada, dalxiisayaasha iyo cidkasta oo ka ag dhaw xeebaha JSL, inay galaan badda kana feejignaadaan khataraha ka dhalan kara dabaylaha ku soowajahan badda.

 

Qoraal digniina oo uu soo saaray taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, Admirel Axmed Hurre Haariye, ayu uku sheegay in laga bilaabo 15/1/2024 ilaa 20/1/2024 in aan la gelin badda isla markaana laga taxadaro sababa la xidhiidha dabaylo ku soo wajahan.

 

Warka taliyuhu soo saaray oo lagu baahiyay barta Facebook ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa u dhignaa sidan.

 

Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Jsl Admiral Axmed Hure Haariye waxaa digniin udirayaa dhamaan kaluumaystada , dalxiisyaasha iyo cid kasta oo ka ag dhow xeebaha inay iska jiraan maalmaha soo socda khataro ka jira bada awgeed maalmaha oo ka bilaabmaya15/1/2025- 20/1/2025 taasi oo ay jiraan dabaalo xoogan oo ku socda xawaare dhan halkii saacba 45KM mawjada bada ama jooga biyaha bada ayaa kor-ukicidoona cabir dhan 2.7M

 

Sidaasi darteed waxaa lagu wargelinayaa shacabka Somaliland inay iska jiraan bada iyo xeebaha maalmaha soo socda khataraha ka jira awgeed .

 

Cidii la kulanta khatar dhinac bada ah hala soo xidhiidho saldhigyada ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL.


Loading...
Loading...