Cabdiraxmaan Caddami oo sheegay inaanay doorasho qabsoomayn wakhtigeeda
Hargeisa(HWN):-Aqoonyahan Cabdiraxmaan Ismaaciil Caddami ayaa walaac xooggan ka muujiyay qabsoomida doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka oo wakhtigii loo muddeeyay wax yarri ka hadhsan yahay.
Cabdiraxmaan Caddami ayaa waxa uu dhaliilay Xisbiyada iyo Xukuumadda, isagoo ku eeddeeyay inay lumiyeen fursadii Doorasho lagu gali lahaa, isla markaanna ay Muran iyo yooyootan ummaddii ku jaho-wareeriyeen.
"Anigu waxaan qabaa sidii Madaxweynuhuba ku dhawaaqay muddo gaaban baa ka hadhsan Wakhtigii doorashadda, hawl badanina way ka sokaysaa, mudadaas laguma qaban karo hawsha innoo hadhsan ee la daayacay, ee laga habsaamay ee muran iyo is jiid-jiid lagu mashquulay, markaa laga baaqsan maayo in Doorashaddii dib u dhacdo.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Caddami
Siyaasi Cabdiraxmaan Caddami waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi "Dadkii sanad iyo badhka murmaayay labaatanka cisho ee hadhsan kuma dhammayn karraan doorasho, hawshunna waabay badan tahay doorashadda ka horraysaa, markaa nasiib-daro Doorashaddaasi dib bay u dhacaysaa”
"Marmarka qaarkood waxaan is idhaahdaa Xisbiyadda qaranku hadday garanayaan Masuuliyadda garbaha ka saaran sidaa umay dhaqmeen, waayo ummad dhan baa sugaysa, mustaqbalkii dadkaa sugaaya, masiirkii dadkaa sugaaya, taageerayaashooddiibaa sugaaya, beeshii caalamkaa sugaysa, markaa hadday culayskaa iyo Masuuliyaddaa saaran darreensan yihiin sidaa umay dhaqmeen.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Caddami oo falan-qeeya Siyaasadda Somaliland iyo arrimaha mandaqadda geeskabba.
"Madaxda Xisbiyadda qaranku inay heshiin karri waayaan oo beesha Caalamku soo dhex-gasho iyanna waa nasiib-darro, waxaan Xasuustaa 2009-kii doorashaddii Madaxweynaha ayaa taagnayd, oo weliba la korkor-dhiyay Wasiir-dowlihii Ethiopia ee wakhtigaas ayaa yimid laba ilaa saddex cisho ayuu joogay, dhankastana wuu la kulmay waannay heshiiyeen, doorashadiina sidiibay ku qabsoontay, markaa waa nasiib-darro in aynu innagii is af-garan wayno oo nin Ethiopian ah ama Ingiriis ahi inna soo dhex-galo” Ayuu yidhi Aqoonyahan Cabdiraxmaan Caddami.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland .