Dublamaasi Maraykana oo la Dhacsan Qaddiyada Somaliland oo Trump u Magacaabayo Xoghayihiisa Afrika
Wasiirka Wasaarada dibudajinta iyo Arimaha bani’adanimada Somaliland Saleebaan Ducaale Jaamac oo kormeer ku tagay kaamka barakacayaasha Digaale ee ku yaal Dagmada Maxamed Mooge kaasi oo ku yaal magaalada Hargaysa ayaa waxa uu wasiirku gaadhiisay dadka kaamkaas ku dhaqan Deeqbiyo ah.
Kormeerkan ayaa u jeedadiisu ahayd sidii uu wasiirku ugu kuurgalilahaa isla markaana indhihiisa ugu soo arki lahaa xaalada dhabta ah ee ka jirta kaamka isla markaana uu warbixin uga soo dhagaysan lahaa dadka halkaasi ku nool.
Waxa halkaasi ka hadlay oo wasiirka warbixin kansiiyey Agaasimaha waaxda barakacayaasha ee Wasaaradda Dibudajinta iyo Arimaha Bani’adanimada. "Kaamkan Digaale muddo haatan laga joogo Toban sano waxa soo rartay oo halkan soo dajisay wasaaradii dibudajinta, waxana laga soo raray agagaarka maxamed mooge, dadkani waxa ahaayeen dad aad u liito oo abaarihii dhacay sanadkii 2016kii ay saameeyeen”
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay markii kaamka digaale lasoon dajiyey dadkan ku nool kaamka in markiiba loo dhisay Saldhig Booliis, qoyskastana loo dhisay hoy kaas oo ah Sandaqado.
Geesta kale Gudoomiyaha kaamka Barakacayaasha Digaale Cumar xasan Digaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbxiyey xaalada Kaamka iyo baahiyaha ay qabaan dadka ku nool kaamka isla markaasina u baahan in wax laga qabto.
"Adeegyo badan oo dadkan loo qabtay wajiraan balse baahiyaha gudaha ee dadkani ay qabaan aad bay u badan tahay, waa dad danyar ah, Dad meel u shaqo tago maaha dad badan oo aan meesha dhul ku lahayna waynagu dhexjiraan waxay u baahan yihiin sariibad ay ku ganacsadaan”Gudoomiyaha kaamka Digaale.
Gabagabadii waxa ka halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Dibudajinta iyo Arimaha Bani’adanimada somaliland Mudane, Saleeban Ducaale Jaamac isla markaasina ka warbixiyey waxyaabihii uu dadka ku nool kaamka uu ku soo arkay sidoo kale balan qaaday in ay intii awoodooda ah wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Kaamka Barakacayaasha Digaale ee ku yaal Degmada Maxamed Mooge.
"Imika Kaam ma tihiine Waxad tihiin Xaafad dagan, ujadadaydu waxay ahayd horta bal dadkan aad xukunto u kuurgal baahiyahoga, iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadka ilaa aad ogaato baahiyaha ay qabaan kama jawaabi kartid baahiyahooga” ayuu yidhi Wasiir Saleeban Ducaale Jaamac.
Wasiir Saleeban ayaa sheegay in ay dhamaan kaamamk aku yaal magaalada hargaysa kormeer ku soo wada mareen mudadii gaabnayd ee u xilka wasaradaasi hayey, kormeerkana uu kuwaas hore daba socday si ay xaalada guud ee dadka kaamamka barakacayasha ku nooli ay qabaan si wixii wax laga qaban karo ay uga hawl galaan, inta awoodooda ka baxsana ula kaashan lahaayeen cidkasta oo ay is leeyihiin gacan ayey ka gaysan kartaa.