Wasiirka Diinta oo Shaaciyay Ololaha Wacyi-gelineed ee Khatarta Maandooriyaha

0
Thursday January 16, 2025 - 13:41:55 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta oo Shaaciyay Ololaha Wacyi-gelineed ee Khatarta Maandooriyaha

    Maandooryaha ayaa siweyn ugu soo badanayay sanahihi u danbeeyay Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maandooryaha ayaa siweyn ugu soo badanayay sanahihi u danbeeyay Somaliland,



Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta JSL Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa shaaciyay in maalinta Jimcaha ee 17-ka bishan uu dalka ka bilaabmayo ololaha Wacyi-gelinta bulshada ee Khatarta Maandooriyaha, kaasoo dalka ka socon doona muddo saddex toddobaad ah.

 

Wasiirka ayaa iimaamyada masaajidada iyo guddida wacyigelinta iyo dabar-goynta maandooriyaha ugu baaqay, guddida wanaag farista iyo isu duwayaasha wasaaradda ee gobollada dalku inay siweyn uga qayb qaataan ololahan.

 

Maandooryaha ayaa siweyn ugu soo badanayay sanahihi u danbeeyay Somaliland, kaas oo ay isticmaalkiisa ku badan yihiin da’yartu.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorsha xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad qorshaheedu yahay sidii bulshada looga wacyigelinlahaa halista maandooriyaha kala duwan ee dalka sida qarsoodiga ah ku soogala.

 

Waxaanu yidhi."Xukuumadda wada-jir iyo waxqabad qorshaheedu waxa uu yahay in bulshada laga wacyigeliyo waxyaabaha khatarta ku ah, ee mukhaaradaraadka iyo maandooriyuhu ka mid yahay, sidaasi darteed hay’addaha wacyigelinta, culimada dalka, khadiibyada, hawshaasi oo saddex toddobaad socon doonta inay si fiican uga qayb qaadan doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, waxaanan rajjeynaya in ALLE innagu guuleeyo, innaga oo markasta dalka iyo dadka u adeegayna, bulshadeena badqabkeeda ka fikireyna, ololahaasi qofkasta intii kaga soo haggaagta ha qabto”.


Loading...
Loading...