SSB Iyo G36 Waa In La Qarameeyo ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday January 15, 2025 - 16:10:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SSB Iyo G36 Waa In La Qarameeyo ( Abdi-Shotaly).

    *N. B Cabaad Dheeriyo, Keena Curadka ah Caawaa La ogayn!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*N. B Cabaad Dheeriyo, Keena Curadka ah Caawaa La ogayn!

Waxan ugu baaqayaa Maamulka Cusub in ay deg-deg u qarameeyaan Ciidamadda SSB IYO G36 ee inta badan heegan difaac ugu jirey dalka iyo dadka markii maamulkii askartu ay jebiyeen Ciidankii qaran-kani lahaa, lana bedeloo dhamaan madaxdda sar-sare sidda Nuux Mijo-baasto iyo inta la hal maasha, lana masaxo oo dhulka loo jaro " Deeqa Afro", Cid kastaa waxay doonto ha sheegatyo ama ha ku andacooto, oo ha ku faanto ciidan baan nahay xoogan, kuwaas oo aan loo abuurin difaac qaran sidda SSB Iyo G36, Ee iyaka loo samaystay xiniinyo qabashadda Maamulka Cusub ee S/Land, sidda ay iyakuba ku dhawaaqeen, aan qarsoodi lahayn dano gaar ah oo qabii bay u adeegaan, ooy ku salaysan yihiin, su'aashu waxay hadaba tahay " Maxaa ku kelifay in ciidan beel qudha difaacaaya la samaysyto? Oo aan qaran difaacayn Sidda kuwa isku magacaabay " Jabhadda " Deeqa Afro", jabha-daas oo keega ku cunta saldhigna u tahay xaafadda 26Juun, Jigjiga-yar iyo hudheelka " Xamdaan" ee Hargeysa.Akhristaw iyaba waa yaabe waa in aan is waydiino su'aalli ay ka mid yihiin:-


(1) Waa maxay sababta ay ka dhalatay abuuris-teedu?
(2) Maxaa loo Sameeyey in ay qabato?
(3) Yaa ka dambeeya ee daaha dabadiisa ka maamula?
(4) Qabaa'ilka ay ku ab-tirsato Jabhadda " Deeqa Afro" ee ay leeyihiin way difaacaysaa yaa ku soo duulaaya?
(5) Yaa ah Cadawaga Gudaha iyo Qaran Dumis?
Su'aalahan iyo qaar kaloo badan bay tahay in ay ummadda S/Land is waydiiso, sidaas daraadeed aniga oo soo koobaya halkan hoose ka akhri jawaabahii waa kuwane:-

(a) Sababta loo abuuray-ba " ee keentay Deeqa Afro" wax kale maaha, ee waa kursiggii baanu waynay, ee waan ku dagaalamaynaa.

(b) Waxa akhristaw loo samaystay arinta ah, Garxajis dalkan kama talin karo, taas oo ah cuqdad iyo beel nacayb, wax ay ka samayn karaana aanay jirin, ee waa taase bal haku dhuuseen, wax kale iska daayoo.
(c) Waxa abuuris-teedda ka dambeeya oo daaha dabadiisa ka maamula, askariga buka ee naxaliga iyo xanuun cuqdadda refereed qaba ee la yidhaaho " Raggii ma adiga ka hadhay, jano-ka-bood ( Samale), Carfaaye ( Solteko), Sabeeye, dembi madaw, Ina murjin-madoobe, Bakhti-Dhego-Weyn, Cawil abris iyo qaar kaloo ku sii hoos gabadda.

(d) Reerka ku dhawaaqay " Deeqa Afro" Haba-yaraatee ma jirto cid siday ay sheegtay Taliyaha Jabhadu " Goosha Isaaq" Ay tidhi waxan difaacaynaa Maal-kayaga, dhul-koodda iyo Cirdi-goodda, waxa-ba kama jiriaan in ay cidi ku duulayso, ee waa odhaah-ddii ahayd" Cigaalaw col hortii jabay" ee kiis iska waal ah maxaa kursiga naloo ka qaaday, bal hadaba kursiga ma aaba-hood baa leh uga dhintay, miyaanu ummadda ka dhaxayn?
(e) Su'aasha ugu dambaysaa jawaab-teedu waxa weeye, waxay " Deeqa Afro" Fifaacaysaa cadawga gudaha, oo ah kuwii markay maamulka hayeen sameeyey Xasuuqa, Xaq-darradda ku kacaayey iyo anigu aan keligay haanta lusho, qayb dhan oo S/Land ka mid ah lumiyey, ummadda is nacsiiyey, dalka boobay, Ciidankii jebiyey. Ugu dambayn. Ugu dambayn waxan odhan lahaa Kuwa " Deeqa Afro" Taageera ka soo baxa Ciiro-isku-qarinta, oo si toos ah u dhaha Garxajis kursiga ma geyo, intaan hadalka ka tagno, aan si wacan isu barano'e, oo ha ciyaaro nin-ba taagtiiye, bal kay ugu dhasho iyo kay tallo ku cadaataba.

*N. B Cabaad Dheeriyo, Keena Curadka ah Caawaa La ogayn!
Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...