Baanka dhexe ee Somaliland ayaa shalay daahfuray qorshe sannadeedka baanka ee sannadka 2025.
Guddoomiyaha baanka dhexe Cali Cabdilaahi Daahir oo hadal ka jeediyay furitaankii qorshe sannadeedka baanka ayaa waxa uu sheegay baanka masuul ka yahay dhaqaalaha dalka,
Waxana uu yidhi "Farxad ayay noo tahay in Maanta daahfurno qorshe sannadeedka baanka dhexe yeelanayay.oo qayb ka ahaa istaraatajigii saddexda sanno ee 2023 2024 iyo 2025 ka,qaybtiisii u dambaysay ayaynu daah furaynaa.waxaana aan boogaadinayaa madaxda iyo shaqaalaha baanka waayo qorshahani idika ayuu idika yimid qodobka ka kale ee muhiimadiisa leh waxa weeye baanka Somaliland waxa uu masuul ka yahay dhaqaalaha dalka,waxa kale oo masuul ka yahay hay,adaha maaliyadeed oo dhan.markaa in baanka wanaagsanaado taabo galo waxa uu u horseedayaa in dhaqaalaha dalka wanaag sanaado oo xoogaysto”.