Sidee ayuu buugga 90 jirka ahi u baddalay qoraalkeyga?
Qoraaga aan qorista joogtayn ( occasional writer)..
Bal malee dhigane la qoray kudhawaad qarni ka hor, illaa maantana qaabaynaya qoraalka. Waxaa uu fure u noqday hal'abuurka qoraalka. Taasi oo ay u qireen ama ay ka maragkaceen, xiddigo badan oo hormood u ah qalinka.
Dhiganahan magiciisu waa " becoming writer" (qoraa noqosho) ,waxaana qortay Dorothea Brande oo ah qoraa Ameerikaana.
Buuggu waxaa uu soo baxay 1934-kii.
Haddaba, buuggu tallooyinka kale ee qoraalka kama hadlayo, sida weedhaha loo dhigayo, jilaaga iyo sida sheekada loo qoro, balse waxaa uu diiradda saarayaa guddaha qoraaga ama ruuxda qoraaga. Waxaa uu ku darayaa kalsoonida qoraaga, sida looga gudbo shikiga. Caqabadaha qoraagu wajaho, ayaa uu dhex qaadayaa oo uu ku nuuxnuuxsanayaa, taasina waa sababta loo jeclaaday ee saamaynta wayn u yeeshay.
Cid kasta oo dhiganahan wax ka qortay ama inta ay qalinka u qaadatay gorfaysay, dhayda waxa ay ka caddaysay in uu yahay mid qiimo badan, cid kasta oo rejaynaysa inay qoraa noqoto, waa mid tiirdhexaad u noqonaya noloshooda qoraannimo.
Afar caqabadood ama afar nooc oo qoraayadu u kala baxaan, marka ay caqabadaha qoraalka noqoto, ayaa uu taabanayaa. Waxaa ay kala yihiin sidan:
1. Qoraa gebi ahaanba dhib ka haysato qoristu( the difficult of writing at all)
Carqalladan, waxaa sababi kara kalsooni la'aan. Qoraaga oo isdhiiba inta aannu qoristaba bilaabin. Inuu samaysto qorshe aan ficil lagu darayn.
Waxaa kale oo sabab u noqon kara , qoraaga oo fahan darro ka haysato qoraalka.
Dhallinyarnimo iyo is-hoosaysiin.
2. Qore buug-keliyaale ah( the one book author)
Waa qoraaga ka shaqaynayay sannaddo badan buug, si uu u daabaco, wuu ku guuleysto in uu ifka u soo saaro, laakiin inyar kaddib, waxaa uu dareemayaa in annu soo saari karin wax kale. Naftiisu waxaa ay diiddaysaa inay qoraal kale samayso. Waxaa ku adkaanaysa in uu dhigane kale qoro ama sheeko kale qoro.
Waxaa aad mooddaa in uu ilaawayba sidii wax loo qoraayay! Sababtu maaha in aannu soo saari laayahay, jilaaga ama degaanka ay sheekadu ka dhacayso, balse waxaa weeyi: si qumman wax ma u wadaa? Ma iska daayaa qorista? Mashruucan kale ee qoraal, ee aan hadda bilaabay, ma yahay mid qiimo leh? Cidhiidhi ayaa ka haysanaya in uu mar labaad wax qoro.
Si kale Kuma garatide, waa qore markii hore guuleystay, laakiin mar kale soo laaban waayay oo ku celin kari waayay guusha ( the writer has early success, but is unable to repeat it)
3. Qoraaga aan qorista joogtayn ( occasional writer)
Waa qoraayada aan maalin kasta wax qorin. Waa kuwo aan joogtayn qalinka , balse wax bay qoraan. Marka ay qalinka qaataan, waa marka ay dhiirigelin dareemayaan; marka ay niyadgelin haystaan.
Tusaale, Haddii aad sheeko qoreyso, si joogto ah uma wadaysid. Maalinta aad niyad u haysid ayaad qoreysaa. Waxaana Laga yaabaa in sheekaddaa yari, ay ugu qaadato sannad!
4. Uneven writer
Kani waa qoraa, kaasi oo bilow wacan sameeya, laakiin waxaa ay dhibaato ka haysataa inuu socodsiiyo sheekada. Marka uu dhowr bog qoro, ayaa uu ku guuldarreysanayaa in uu intaas dhaafiyo.
Haddii aan fahanka soo dhaweeyo, waa qoraaga, marka uu sheekadda qoraalkeeda bilaabo aan dhammaystiri karayn ama qaybo ka mid ah sheekadda ayaa aan u shaqaynayn sidii la rabay, sidaas ayaa uu qabyo kaga tagayaa.
Dhibaatadan waxaa summad u ah oo lagu gartaa:
Waaya-aragnimo la'aan nololeed oo qoraaga haysata, sidaas awgeed, jilaaga ayaa aannu sida dhabta ee nolosha ka yahay u sawirri karin.
Qoraaga oo ka jilila in uu dadka la wadaago qoraalkiisa.
Carqalladan waxaa sababa kalsooni la'aan , markaa waxaa qoraaga laga rabaa in uu si kalsooni leh u shaqeeyo.
Carqalladan, waxaa uu kaga gudbi karaa, qorshe faahfaahsan( horumarinta jilaaga iyo isku xidhka qoraalka), basrin joogto ah, rabitaan tafatirinneed iyo dib- u-hubin qoraalleed.
Haddaba, akhriste afartaa qoraa ee aynu soo xusnay, kee baa tahay?
Qore: Dorothea Brande
W/T: Maxammad Haybe Axmed.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...