Xaaramigii Xasan Sheekh Hadduu Xoolahii Xayiray,Xilka Qaadisiyo Xahadigbu Mutaye,Xildhibaanadii Xamar Joogayow Moogay,
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Xabaalaha Qotoow,Xaafad Qudha Xukume,
Xalaashaba Aan Geyin,Xoolahiina Xidhay.
2-Xishood Laawahiaan,Waxba Xeerinaynin,
Xeerar Qabanayoon,Xakamayni La Hayn.
3-Xanuunubu Qabaaye,Xaal Baadhiseed,
Xagga Caafimaadka,Maad Xaawisheen.
4-Xoogagii Dalkee,Xeerin Jirin Cidnaba,
Xiniinyaha Badna,Farmaajana Xanibay.
5-Xasan Miyaa Laha,Xaggee Bay Mareen,
Xidha Oo Qabtaay,Ama Xamar Ka Taga.
Ismail Abdiillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!