Madaxweyne Hadalkiisu Waa Dawo Ama Waa Cudur.

0
Tuesday January 14, 2025 - 12:33:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Hadalkiisu Waa Dawo Ama Waa Cudur.

    Koboca Dhaqaalaha Ee Somaliland Durba Wuu Is Furfurayaa , Kooto Way Iska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koboca Dhaqaalaha Ee Somaliland Durba Wuu Is Furfurayaa , Kooto Way Iska



Xukuumadda Cusub Ee Madaxweyne Cabdiraxman Iyo Wasiiradiisu Waxaynu Illaa Hadda Ka Haynaa Shaqo Socota Oo Weli Ku Dhexjirta Magacaabistii Madaxda Dalka, Inta Hadashay Iyo Madaxweynahaba Khudbado Iyo Hadalo Shacabka Qalbigooda Daweynaya Ayaa Inooga Yimiday Iyo Shaqo Ka Socota Dib U Dhisidii Institutions Ka Dawladda Oo Badankooda Dhaawac Weyni Ku Jiray. Waxaa Soo Baxday In Dad Aad U Badan Oon Soo Shaqo Tegi Jirini Mushahaarooyin Iyo Gunnooyin Guryahooda Ku Qaadan Jireen Iyadoo Dhalinta Reer Somaliland Shaqo La'aani Ragaadisay, Waa Dadkii Loo Bixiyey Caaglayaasha Oo Wasaarad Kasta Ka Buuxay, Xaaraantaasna Ku Noolaa.

 

Waxaa Kaloo Istaagtay Afxumadii Wasiirada Dawladda Oo Qabaailka Caayi Jiray Iskuna Diri Jiray Oo Ummadda Qaybin Jiray, Dagaalna Ka Dhex Oogi Jiray Shacabka. Waxaasi Waa Waxa Keenay In Ay Kacaan Oo Xidhmaan Baayacmushtarigu Oo Markasta Dagaal Iyo Xarbul Ahli Ifafaalihiisu Foodda Ina Saaro.

 

Xukuumadda Cusub Waxaasi Way Istaageen Markuu Madaxweyne Cabdiraxman Madaxtooyada Galayba.

 

Markaa Xagga Horuumarka Loo Dhaqaaqo, Shaqo Abuurku Wuu Badanayaa Maxaa Yeealay Shacabka Reer Somaliland Waa Dad La Hogaamin Karo Si Fudud Oo Isfahankoodu Iyo Isdhex Galkooda Iyo Isku Dhiigoodu Isku Mid Yey. Marka Xagga Wax Qabadka Loo Dhaqaaqo; Hadday Bad Tay Iyo Hadday Berri Tay Iyo Hadday Baayac Mushtari Tay Wey Walaaloobayaan Si Dhaqso Leh.

 

Somalidu Waxay Ku Maahmaahdaa ' Sadqadaan Qalidoona Sansaankaan Ka Gartaa'.

 

Koboca Dhaqaalaha Ee Somaliland Durba Wuu Is Furfurayaa , Kooto Way Iska

Hadhaysaa.

 

Dhulku Dhaqsuu U Jabayaa Maxaa Wacay Meel Kasta Waxaa Lagu Cashuuri Doonaa Qiimaha La Kala Siisto Oo Qudha, Suuqmadaw Oo Dhul Lagu Kala Iibsan Doonaa Ma Jirayo, Dawladda Iyo Qaanuunyahano Ayaa U Kala Iibin Doona Laba Kastoo Dhinac.

Maal Gelintu Waa Furmaysaa Cid Kasta Oo Wadanka Wax Gashanaysa, Xukuumaddaa U Dammmaanad Qaadaysa In Ay Cid Kasta Ilaaliso Si Joogto.

 

 

Wa Billaahi Tawfiiq.

Mohamed Bashe <[email protected]>


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...