Hay'adda Shaqaalaha Iyo Agaasimyaasha Guud Ee Wasaaraddaha & Hay'addaha Dawladda Ee Madaxa Banaan Oo Kulan Yeeshay

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd lagagana wada hadlay 1) Aasaaska waaxda cududa shaqaalaha ee wasaaraddaha iyo Hay’adaha Madaxa Banaan 2) Dhamaystirka diiwaangelinta shaqaalaha Dawlada intii hadhsanayd iyo Soo saarista liisaska shaqaalaha wasaarad iyo hay’add kasta 3) Qabyo qoraalka xeerka shaqaalah dawladu kaalinta agaasime waaxeedyada iyo xaquuqaha ka dhalanaya ee uu siinayo agaasimayaasha guud iyo 4) Qaabdhismeedka cusub ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxda banaan iyo sidii loo hirgelin lahaa.
Waxa
kale oo laga wada hadlay kulankan xoojinta guddiyada anshaxa ee
wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada iyo ahmiyada ay leedahay in shaqaalaha
dawlada ay ka waantoobaan lagana wacyi geliyo ku yooyootanka saaxadaha bulshada
(Social media ) iyo in sharciga shaqaalaha dawladu uu si cad u qeexay
talaabooyinka laga qaadayo xubin kasta oo shaqaale dawladeed ah oo afxumo,
aflagaado iyo ceebayn ku soo bandhigta mareegaha bulshada iyagoo ku duraya ama
wax kaga sheegaya cid kasta oo kaalin iyo masuuliyad u haysa qaranka ha noqoto
madaxda dawlada ama madaxda xisbiyada qaranka iyo madaxda hayadaha kale ee
distoorku ku cad. Hayadaha shaqaalaha Dawladu waxay agaasimayaasha u qaybisay
liisaska shaqaalaha hayadahooda si ay u soo hubiyaan in ay dhamaystiran yihiin
sidaasna lagu geliyo serverka kaydka xogta ee Hayadaha Shaqaalaha.
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada oo ugu horayn ka hadlay furitaankii shirka ayaa sheegay in shirkani muhiim u yahay waxtarna u yeelanayo danta iyo horumarka qaranka. Waxaanu hadalkiisii ku bilaabay:- "Madaxwaynuhu waxuu xilka uu qaranka gadhwadeenka ugu yahay, waxuu isna u soo xushay inaga inay aynu gacanyarayaashiisa u noqono. Waad ogtihiin wasiiradu waa siyaasiyiin ku mashquulsan inta badan siyaasada xukuumada iyo jaangoynteeda (political figures), waxaase waxii farsamo ah iyo kaalinta ugu mudan ee shaqada ku jira agaasimayaashiina taas ayaa ka dhigtay kaalintiina in ay tahay halka keliya ee qaranka laga toosin karo sidoo kalena hadii aynu inagu danta Hayadaha aynu ka tirsan nahay u fekeri wayno oo iskutasho wayno inoogu isku feker ahna horumarka iyo waxii dan u ah qaranka horumarna gaadhsiinaya bulshada aynu u adeegno ka hawlgeli wayna ama fulin wayna waxay noqonaysaa ama ka dhigayso in hiraalkii madaxwaynaha iyo balanqaadadii la sameeyay ay adkaanayso in la gaadho oo wada fulaan.”
Guddoomiyaha oohadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Sababtaas awgeed ayay muhiim u tahay in aan halkan isugu nimaadno. Ka hayad ahaan waxyaalo badan ayaan jecelay in aan halkan idinkula wadaago si aan isula jaanqaadno waxaana kow ka ah barnaamijka xukuumada ee dibu qaabanaynta shaqaalaha iyo waxii ajendaha shirku toos u taabanayo in aan isla meel dhigno. Waxa isna ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada Mudane Gurxan oo sheegay isbadal lagu sameeyay habka payrollka shaqaalaha iyagoo kaashanaya Hay’adda shaqaalaha. Waxa kale oo uu ka hadlay in iyagoo raacaya talada Hay’adda Shaqaalaha ay dabakheen qaab dhismeedkii cusbaa ee wasaarada sidoo kalena ay bishan July ku dareen payrolka sumada shaqaalaha ( civil servant ID) iyo saxeexa agaasimaha Cudduda Shaqaalaha si loo fuliyo habka isbadal ee cusub ee lagu tayaynayo nidaamka shaqada ee Hayada shaqaaluhu wado. Waxa kale oo iyaguna ka hadlay agaasimayaal kale oo tiro badan oo shirka ka soo qayb galay.
Ugu
danbayn waxa la isla eegay qodobada xeerka shaqaalaha ee toos uga hadlaya
Agaasimayaasha guud. Falanqayn ka dib waxa la saaray guddi isla soo eegta si la
isula meel dhigo kaalinta iyo xaquuqda agaasimayaasha guud uu u damaanad qaadi
karo xeerka shaqaalaha ee imika qabyo qoraalkiisii ugu horeeyay la dhamaystiray
lana rabo in loo gudbiyo golaha wasiirada si ay u eegaan uguna gudbiyaan
baarlamaanka JSL si uu waajibaadkiisa sharci uga guto.
Dhamaan qodobada kor ku sheegan oo si aqoon iyo xikmad ku dheehan tahay looga wada hadlay waxa la iskula qaatay in;
· In la xoojiyo waaxyaha cudduda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan iyadoo loo qaybiyay qoraal qeexaya shaqada waaxdan kaas oo lala wadaagay dhamaan masuuliyiintii shirka.
· Fulinta qaabdhismeedka cusub si isbadal dhab ah oo muuqda uga hirgalo habka shaqada iyo shaqaalaha
· Liisaska shaqaalaha oo nuqul ka mid ah la siiyay masuul kasta
· Isbadalka payrollka iyo kala saarista waaxyaha maaliyada iyo cudduda shaqaalaha iyo sida ay u wada shaqaynayaan oo la isla meel dhigay
·
Abuurista xilal masuuiyado hoose oo shaqo kuwaas oo siinaya kaalin xileed qof
kasta oo shaqaale ah
Qodobadaas iyo qaar kale oo muhiim u ahaa shaqada iyo shaqaalaha ayaa la iskula gorfeeyay la islana meel dhigay iyagoo qaar ka mid ahna loo saaray guddi si ay aragti macne oo sharci isula soo gaadhaan xubno ka mid ah Hay’adda Shaqaalaha iyo Xubnaha guddida Agaasimyaasha ee la soo xulay.