Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha JSL oo la kulmay Madaxa Hay'adda FAO
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamuud Cige Yuusuf oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdikariin Aaden Cadde, ayaa shalay qaabilay madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland iyo masuuliyiin ka mid ah xafiiskiisa Somaliland.
Kulanka, ayaa iskugu jiray laba ujeeddo oo kala ah isbarashada MasXda cusub ee Wasaaradda beeraha iyo Madaxda Xafiiska Somaliland ee Hay’adda FAO & qodobka labaad oo ah inay madaxda Wasaaradda Beeraha faahfaahin ka siiyaan Mashaariicda ay ka taageeraan Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.
Isbarashada labada dhinac ka dib, Madaxa Hay’adda FAO ee JSL Mr. Abdulkarim Baha iyo Madaxda kale ee FAO u qaabilsan Somaliland, ayaa si faahfaahsan sharraxaad uga bixiyey Mashaariicda ay ka taageeraan Wasaaradda Beeraha JSL, sida Mashaariicda la xidhiidha Horumarinta wax soo-saarka iyo la-dagaalanka Ayaxa iyo xasharaadka kale ee dhibaateeya Beeraha.
Waxa kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen taageerada dhinaca tababbarrada ee la siiyo hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha iyo Beeralayda dalka, kuwaasi oo hoos imanaya dedaallada kor loogu qaadayo wax soo-saarka dalagyada Beeraha.
Madaxda Wasaaradda Beeraha oo uu ugu horreeyo Wasiir Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa madaxda xafiiska FAO ee Somaliland uga mahad-celiyey taageeradooda iyo siday ugu darban yihiin la shaqaynta Wasaaradda Beeraha oo ku hawlan sidii Somaliland u gaadhi lahayd isku filaansho dhanka cuntada ah.