Habarjeclooy Muuse Waa Kaa! Baashena Xidid Baannu Nahay Iyo Waa isxambaar Ma Wada Qabato!

0
Monday July 22, 2019 - 09:51:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habarjeclooy Muuse Waa Kaa! Baashena Xidid Baannu Nahay Iyo Waa isxambaar Ma Wada Qabato!

    Qofkii raba inuu ogaado cadaaladda Soomaalida waxa ku filan labada muuqaal ee hoose inuu daawado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkii raba inuu ogaado cadaaladda Soomaalida waxa ku filan labada muuqaal ee hoose inuu daawado.

 dabadeedna is weydiiyo su'aasha ah: Tani Somaliland la wada leeyahay ma u ekaan kartaa?

Bal aan marka hore isku dayo waxa ay xambaarsan yihiin nuxurka labadan cajladood? 

Dadka reer Caynaba waxay qaadan la' yihiin laba qodob.



1) Sidee Baashe Maxamed Faarax oo Dhulbahante ah oo isxambaar ku yimid golaha Baarlamaanka Somaliland, oo weliba sida ay sheegayaan ku fadhiya "kursiga Caynaba" uu go'aan u gaadhi karaa!


2) Tan labaadna waa qaylo dhaan loo dirayo guddoomiyaha Guurtida oo degaanka kasoo jeeda iyo Muuse Biixi oo isna durriyadda ah oo ay leeyihiin "isxambaarkan naga qabta". Fariinta qaylodhaantu waa "ma idinkoo nool baa nin faqash/isxambaar ahi go'aan gaadhi karaa"!


Bal waxaad is weydiisaa Caynaba waxay qaadan la'dahay inay xarafka "C" uga dallici weydo "B", waxayse reer Caynaba raalli ka yihiin in dadka Dhulbahante iyo Warsangeli ikhtiyaarka laga qaado oo lagu khasbo goonni-goosasho aanay doonayn, dagaal joogta ahna lagu hayo. Su'aalaha kale ee isweydiinta lihi waxa weeye



1) Maxay u rabaan Dhulbahante iyo Warsangeli oo u leeyhiin waa dad reer Somaliland ah haddii kuwa la joogaaba ay "ISXAMBAAR" u yaqaannaan iyo inaanay kursigaba xaq u lahayn?


2) Haddii Baashe meesha loo geeyey inuu Caynaba metelo sida ay sheegayaan (WAABA U BADAN TAHAY INAY RUNTOOD TAHAYE) maxay ugu qanci waayeen go'aankiisa illeyn iyaguu metelaa oo soo xambaartaye!


3) Haddii xubnaha 'baarlamaanka" Somaliland ku jira ee Dhulbahante iyo Warsangeli ay wada isxambaar yihiin maxay u leeyihiin isku Somaliland ayaynu nahay.


4) Sida ay sheegayaan Caynaba ayaa ka wakiil ah 12ka kursi ee ay leeyihiin waxay ka yimaaddeen carro Dhulbahante, miyaan degmooyinka Dhulbahante kuraasba ku lahayn baarlamaanka Somaliland. Haddiise Caynaba 12 kursi oo Baarlamaan keligeed heshay may aamusaan oo barwaaqadoodaas qarsadaan cidiba kama sed roonee


5) Intaa waxaa dheer, inay diiddan yihiin in albaabka laga furo Dr Cali Khaliif oo muddo laba sano ah kabihii kaga dhammaadeen inuu helo bal cid albaabka ka furta oo farriintiisa ah "SOMALILAND LA WADA LEEYAHAY" dhegaha u raaridda. Dr Galaydh waxay ku kalliftay inuu xer samaysto oo buraashad iyo loox qaato oo xaafadaha "Tabliiq" kula wareego. 


Arrinta kale ee la yaabka lihi waxa weeye ninkan odayga ah ee Baashe Maxammed Faarax ee kii cadhoodaaba uu balagta iskaga jarayo maad ka xishootaan. Waxa dhegahayagii ka badatay waa "isxambaar". War odayga hadday cidi xambaartay inantiinnaa xambaartaye miyaad garan weydeen inaad inantaa kaga xishootaan. Reeraheennu way xididi jireen oo is xurmayn jireene waa maxay dhaqankan cusubi. War haddii intiinna kale aad xurmayn weydeen maxaa ku dhacay reerkii Subeyr Awal ee xididnimadooda la majeeran jirey. War abtiyaaloow odaygu haddaanu xurmadii xididnimo ku helayn Hargeysa dee noo soo celiya tolkii wax ha la qabee.


Gunaanadkii waxaan ku talin lahaa war abtiyaaloow waynu isku cadilannahaye meeshani inama wada deeqdee idinkaba idin kuma filnee si aynaan isu eersan annana culays baad nagu haysaan iyo ciidamo iyo dagaal joogta ah, annana culays baannu idinku haynaa oo kuraastii baannu idinka buuxinaye maynu kala hawl yaraysanno oo reero jaar ah oo kala nabad gala oo cawska iyo biyaha wada daaqa ahaanno.


Ninka qaadan waayey "maalin keliya" inuu derajada "C" uga dallaco "B" oo dagaalka ka xiga, haddana doonaya dad kale oo walaalihiis ah inuu ikhtiyaarka ka qaado oo 30 sannadood dagaal kula jira oo naf iyo maalba ku bixinaya inuu ka hor istaago inay aayahooda ka tashadaan bal ka warrama? Waxay ila tahay xaajadu waxay ku soo ururaysaa
"HABARJECLOOY MUUSE WAA KAA"
Bal labadan muuqaal daawada.

1) https://www.facebook.com/1400709033350194/videos/595582327633125/
2) https://www.youtube.com/watch…

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...