Daayinow Allahayow Daalaye Sidii Roon,Dib Ha Noogu Celin Xamar.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Doorashadan Dalkeeney,Dawlada Xamar Danaynayso,
Durbaankana U Tumayaan,Haddaan Laga Digtoonaan,
Uugeedaynu Sugaynaayo,Dibaana Looga Sheekayn.
2-Demanow Dadkaygow,Dalaq Waxaad Tidhaahdaan,
Dabinada Laguu Dhigo,Digtoonaan La’aantiinan,
Iyo Daayacnimadiinan,Doqontuu Dabkeed Ba’yon,
3-Demenaata Xuunsho Leh,Dareemaynin Dakharada,
Dunidan Ay Ku Nooshay,Dilkeeduun Bay U Joogtaa,
Dadkaygaa Tabtaasoon,Derderano La Wada Falay.
4-Durbaba Waxay Ilobeen,Dakharadan Ku Yaaliyo,
Nabaradii Daratuune,Dabargooya Lagu Yidhih,
Doorkanaa Inoo Hadhayo,Waana Kama Danbaystii.
5-Kala Daadsanaantiyo,Dantaa Kuu Run Sheegtaye,
Kala Doorta Laba Daran,Dagaalkagan Gudahoon,
Dibna Loo Daweyn Karin,Ama Xamar Dib Ugu Noqo.
Ismail Abdillaahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!