Maxay Uka Il Duufayn Baarlamanku Degmada Maydh Ee Buuxisay Derejata Kordhinta.?
Baarlamanka somaaliland waxay sare u qaadayn degmooyin derajooyikoda .waa Talaabo fiican oo dhiiri galin leh .
Hadba hadii wax la kordhinayo siyaabo wax laku kordhiyo ayaa jira oo la Tix raaco.
1. Waa la yidhaa degmadasi maxaa dakhli dowlada uka soo xerooda
Waxana la Tix raaca dakhliaga kastamka iyo cashuuraha bariga.
2. Waa in degmada la yidhah maxay khayraad dabeeciya Lee tahay .( Natural Resources )
3 waa in la yidhaahta degmadasi imisa sanduuq ayaa la dhiga wakhtiga doorashooyinka
Imisana ka cod bixiya.
4.waa in degmada la eega xuduudaheeda dhuleed iyo
inta KM ay u jirto magaalo madaxda
gobolka laka xukumo .
5. Waa in la eego isku dheeli Tirka degmooyinka dalka
Oo la miisama gobol kasta iyo inta degmo ee hoos yimaada
ayaa lak qiyaas qaadanayaa sidaan min qiyaasku u lumin.
Siyaabo badan ayaa jira wax laku kordhiyo oo Sabab u noqonayasa
In derejada degmada sare loo qaado.
Hadaba biyo dhacayku waxa weeye degmada maydh derejadedu waa D .
Waana magaalo qadiimiya
1. waa degmada uku dakhliga badan gobolka sanaag
2.Waxay Lee tahay khayraad dabeeciya sida kaluunka , Beeraha beeyada Xijiga maydi
3.Waxay Lee tahay buurta rabshiga xaarka shimbira laka qanacsan jiray wakhtiyadi hore
Hadeerna u baah in suuq loo badi doono.
4Waxay Lee tahay dalxiiski uku quruxta badan gayiga somaliyeed,
4.Waxay Lee tahay dahabki
5. Wakhtiga doorashada waxa la dhiga 7 sanduuq lakana cod bixiyo.
Waxayna ka dakhli badan tahay degmooyin derajadoodu yihiin C iyo B,
Iyana ay tahay derejata D.
Hadaba sababta ay u il duufayn golaha baarlamanka Lama garanayo ,
degmada oo buuxisay shuruudihi wax laku kordhiyo AMA derejo sare laku qaado degmo.
Baarlanmku systemka ay wax ku kordhiyeen nooce weeye,
Maanay kordhinta waxba u Tix raacin iyo sababo ay geentay kordhinta degmooyinka ,
Ama sababo ay degmo derejo ku wayday .
Golaha baarlamanka waxa Loga fadhiya qancinta degmooyinka laka reebay derejata kordhinta
Shuruudihina buuxisay kordhinta.
Golaha barlamka xildhibanada ka soo jeeda degmada maydh iyo degmada ceergabo ,
Waxaanu ka doonaya dadkii ay meteleyen waxay wakiilka uka ahaayen
dadka uka waraman, sababaha ay xuquuqdoodi degmo ahaan u wayday derejo
kordhinta,
Dadka ay metelayaan ee cabanaya qanciyaan xaqoodana u badi. doonan.
By mire cali xasan nuur.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





