Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose ee Berbera oo ka Dareen Celiyay Xilka loo Magacaabay

0
Saturday January 11, 2025 - 13:14:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose ee Berbera oo ka Dareen Celiyay Xilka loo Magacaabay

    Geesta kale xog-hayaha cusub ayaa sheegay inuu ka soo bixi doono...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale xog-hayaha cusub ayaa sheegay inuu ka soo bixi doono...



Xog-hayaha cusub ee loo magacaabay dawladda hoose ee Berbera Maxamed Saleebaan Muuse ayaa ka dareen celiyay xilkaasi loo igmaday, waxaanu sidoo kale u mahad celiyay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Somaliland Xasan Mcalin oo masuuliyadaasi u doortay.

 

Xog-hayaha dawladda hoose ee Berbera ayaa tilmaamay inuu ka shaqayn doono horumarinta magaalada Berbera iyo sidii ar magaaladu u noqon lahayd mid la jaan-qaada magaalooyinka caalamka.

 

Geesta kale xog-hayaha cusub ayaa sheegay inuu ka soo bixi doono waajibaadkaasi uu Qaranku u igmaday, waxaanu bulshada Berbera ugu baaqay inay la shaqeeyaan si uu hawlaha loo doortay u guto, waxa uu intaasi ku daray in aanu magaalada ku cusbayn oo uu Berbera wax ku bartay kuna barbaray, taasina ay u fududaynayso inuu waajibkiisa guto waxaanu yidhi

 

"Waxaan rajaynayaa in shaqadaasi la ii igmaday ee masuulku ii igmaday iyo Qarankuba in aan si fiican u gudan doono ILLAAHAYNA la kaashan doon oo aanan ceeb kaga tagi doonin.

 

Bulshada Berbera waxaan ka codsanayaa inay si wanaagsan iila shaqeeyaan, filashadaasi wanaagsan ee la I rajaynayana waa ka dhabayn doonaa insha allah.


Loading...
Loading...