Isbedel kaad Rabteen Heshee Waxaynu Eegna,Aayaheenu Wuxu Noqon.
Bismillah Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
1-Anigoon Degdegahayn,Amuurahan Dhacaayiyo,
Allaoow Sahal Ma Aragtaan,Ayaamuhu Siday Yiin.
2-Isbedelkii La Sheegaayey,Ololahiina Lagu Gelay,
Ujeedadii Dadweynuhu,Durbaba Ma Ila Uriyeen.
3-Ilko Maan Ka Sugahaynin,Ciridkaan Aqaanayaye,
Amaankay Qasbaayayo,Ummadanaan Lahaa Arag.
4-Arrimahan Isdaba Maray, Allahayoow Adaa Jirae,
Haka Dhigin Arbacadii,Lixdankii Aanu Eednayo Kale.
5-Indhahaase Noo Shidanon,Albaabaduna Wada Xidhan,
Xamar Kuwa U Ordaayoow,Aayar Laguma Furikarayo.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!