Wasiirka Dib-u-dajinta iyo Arrimaha bani-adanimada oo Biyo u Geeyay Barakacayaasha Naasa Hablood

0
Thursday January 09, 2025 - 13:30:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Dib-u-dajinta iyo Arrimaha bani-adanimada oo Biyo u Geeyay Barakacayaasha Naasa Hablood

    Hooyo ka mid ah dadka ku dhaqan kaamka ayaa wasiirka uga...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo ka mid ah dadka ku dhaqan kaamka ayaa wasiirka uga...



Wasiirka wasaradda dib u dajinta iyo Arrimaha bani-adanimada JSL Saleebaan Ducaale Jaamac ayaa kormeer ku tagay kaamka barakacayaasha Naasa Hablood.

 

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii ay indhahooda ugusoo arki lahayeen xaaladda nolaleed ay ku sugan yihiin barakacayaasha ku nool kaamka naasa hablood oo wajaahay duruufo is barkan.

 

Wasiir Saleebaan Ducaale Jaamac ayaa dadkaasi gaadhsiiyey biyo waxaanu u balan qaaday in ay xukumad ahaan wax badan u qaban doonaan balse hadda uu biyo keliya u sidaan.

 

Hooyo ka mid ah dadka ku dhaqan kaamka ayaa wasiirka uga warbixisay xaaladda ay ku sugan yihiin waxana ay tidhi "Dad muwaadiniin ah ayaa nahay, xaqna u leh in ay helaan meel ay dagaan,Waxan kaa cadsanaynaa waxa kaliya ee aad maanta nooqabataa in aanu ahaan wax aanu cuno ee waxan u baahanahay meel aanu dagno”

 

Wasiir Saleebaan Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa u sheegay dadka ku nool kaam in ay ka hawlgalayaan baahiyaha ay u sheegeen dadka kaamka dagani "Biyaha isbuucii mar ayaa idiin keenaynaa, rarkana waan idiin hawlgalaynaa, anagu dawlad cusub ayaa nahay, wixii tamartayada ah waan idinla shaqaynayanaa, dhulkana maayerka ayaanu iska kaashanaynaa”


Loading...
Loading...