Somaliland iyo Switzerland oo ka Wadahadlay Iskaashi Maalgashiga

0
Thursday January 09, 2025 - 12:30:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Switzerland oo ka Wadahadlay Iskaashi Maalgashiga

    Aasaasaha ahna madaxa fulinta ee shirkadda Swiss Finance,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aasaasaha ahna madaxa fulinta ee shirkadda Swiss Finance,...



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale oo uu weheliyo agaasimaha guud ayaa kulan la yeeshay maalgashadayaal ka socday dalka Switzerland.

 

Aasaasaha ahna madaxa fulinta ee shirkadda Swiss Finance Property oo lagu magacaabo Michel Regorsek iyo hoggaanka wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqay in laysla sidii loo xoojin lahaa iskaashiga maalgashi ee u dhaxeeya Somaliland Switzerland.

 

Laba dhinac ayaa diiradda saaray dhiirigelinta maalgashiga Somaliland oo laga horumariyo suuqyada caalamka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha qaranka.

 

Laba masuul ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha waxay si weyn u sharaxeen fursadaha maalgashi ee Somaliland, iyaga oo ku booriyey maalgashadayaasha inay door muuqda ka qaataan horumarinta dalka.


Loading...
Loading...