Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo kormeerkii ugu horaysay ku tagay dugsiga farsamada gacanta.
Ujeedada kormeerkana yaa ahayd u kuur galida xaalada dhabta
![]() |
Ujeedada kormeerkana yaa ahayd u kuur galida xaalada dhabta ah ee waxbarashada dugsiga, waxaana ugu horaynba wasiirka kusoo dhaweeyay dugsiga maamulka macaliiinta iyo ardayda.Maamulaha dugsiga ayaa wasiirka warbixin buuxda ka siiyay hanaanka waxbarasho ee dugsiga, qaybaha uu ka kooban yahay, tirade ardayda dhigata, waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha u baahan in dugsiga laga horqaado.
Geestooda waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex iyo agaasimaha waaxda farsamada gacanta ee wasaaradda waxbarashada barbaarinta iyo sayniska, waxaanay u mahaceliyeen maamulka iyo macalimiinta doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen shaqada baaxada leh ee ka socot dugsiga.
Gunaanadkii waxaa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada, barbaarinta iyo sayniska, Ismaaciil Ducaale Yuusuf waxaana uu sheegay in dawlada cusub ay ka go'antahay horumarinta farsamada gacanta islamarkaana ay siin doonaan muhiimad gaara.
![]() |
![]() |
![]() |
Loading...
Loading...