Nidaamkii Dowladnimo Ee Somaliland Ma Wuxu Noqday Mid Cid Gaara U Adeega

0
Sunday July 21, 2019 - 19:08:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nidaamkii Dowladnimo Ee Somaliland Ma Wuxu Noqday Mid Cid Gaara U Adeega

    Salaan guud kadib, waxaan aad u doonayya in aan dadka u soo gudbiyo hab dhaqanka maamul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaan guud kadib, waxaan aad u doonayya in aan dadka u soo gudbiyo hab dhaqanka maamul
ee Somaliland lagu soo waday mudo 30 sano ah, kaas o marba marka ka danbeeya u soo gacan galaaya koox gaara, ama reer magac wadaaga.

Waxaan doonayaa in aan u kala qaybiyo dhowr qaybood oo kala ah 


1_Nidaamka dhaqaalaha dalka loo maamulo

2_ Nidaamka shaqaalaysinta dadweynaha loo maamulo

3_Nidaamka siyaasada dalka lagu hago mid gudeed iyo mid dabadeed.

waxaan ku bilaabayaa ka koowaad

Nidaamka dhaqaalaha dalka lagu maamulo waxaynu ka bilaabayna habka cashuuraha SOMALILAND loo qaado ee ay Gobolada loogu kala qaybiyay, maadaama dalkeenu aanu lahayn wax soo saar buuran oo aan ahayn cashuur laga qaado ganacsatada nooc kasta o ay yihiin, hadaba sideeba loo maamulo nidaamka cashuur bixinta iyo sideeba loogu kala sad_buriyay gobolada dalka 

Waxaynu ku bilaabayna sida tan, 1998 ayuu Madaxweyne Cigaal ku soo saaray decroto odhanaysa in dalka cashuurtiisa lagu soo uruuriya laba meelood oo kaliya, labadaa meelood oo kala ah Berbera iyo Gabilay,iyadoo labadaa meelood laga dhigay labada meelood ee kaliya ee dalka cashuurta lagu qaadi karo, hadii meel kale  cashuur lagu bixiyo ay tahay mid aan sharci ahayn.

Hadaba cashuurta lagu kala bixiyaa maxay tahay labadaa meelood

1_ Gabilay waxaa lagu bixiyaa wax kasta oo dalka ka soo gala wadamada  Ethiopia iyo Djabouti nooc kasta oo ay noqdaan,Gabilay waxaa lagu qaadaa cashuur kor u dhaaftay maalin walba 380,000$ sadex boqol iyo sideetan kun oo dollar, lacagtaas oo kala badh ay dib u gasho dadka deegaanka ah sifo sharci ah iyo mid aan sharci ahaynba, alaabtaa cashuurtaa laga qaato 95% waxay soo dhaafaan Gabilay oo waxay u soo gudbaan gobolada kale, sida Maroodi jeex, togdheer, Awdal, Sanaag iyo Sool.

Wax yar hadii aan tusaale u soo qaato, Gobolka Howd waxaa maalin walba ka baxday lacag dhan 45,000$ shan iyo afartan kun o dollar oo kaga baxday Qaadka wax cashuura oo ka soo gashaana ma jirto hal santi kama soo galo, halka Gabilay maalintii kaga baxda Qaadka wax ka yar 15,000$, taa macnaheedu maaha Gabilay Qaad laguma cuno ee waxa weeeye dadka Gabilay Qaadku wuxu ku soo gale sifo kale oo ah in ay si bilaash ku heli karaan dad badani madaama ay tahay xarruntii lagu cashuuraayay.

Nidaamka cashuureed ee dowladnimadu wuxuu qayaxayaa in cashuurta lagu bixiyo meesha lagu isticmaalo alaabtaa ee dalka ka mid ah, marka laga yimaado cashuurta guud ee dowlada dhexe qaadato ee ka dhaxaysa qaranka, hadii aynu hadaba yara jaleecno Gobolka Howd lacagtaa uu Qaadka ku bixiyo maalintii oo ah 45,000$ muxu xaq u heli lahaa cashuur, waxaynu odhan karnaa 5000$ dollar sanadkii waa lacag dhan 1,810,000$, lacagtaasu waxay mushahar siin kartaa in ka badan 2000 oo shaqaale, waxay dhisi kartaa sanad walba 2 cusbitaal, waxay mudo 3 sano ah ku dhamayn karta wado casri ah oo gobolka Howd oo dhan isku xidha, waxay kafaalo qaadi kartaa 3000 oo arday oo Gobolka sanad walba wax lagu baro.

Nasiib daro lacagtaasu waxay ku dhacdaa cid gaara oo lagu qaraabo kiilo, sanad walbana waxaa lagu jeexdaa guryo khaas loo leeyahay oo ka badan 2000 oo guri, oo mid walba lagu dhistay ugu yaraan 100,000$, halka dadkii xaqa u lahaana ay gidaarada ku bakhtiyayaan.

lac soco qaybta danbe
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...