Dagaalka Siyaasadeed ee Somaliland gashay Iyo Siyaabaha loo Wajihikaro.

0
Sunday July 21, 2019 - 19:00:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Siyaasadeed ee Somaliland gashay Iyo Siyaabaha loo Wajihikaro.

    Xukuumadda beesha Caalamku taageerto ee magaalladda Muqdisho Waxay weerar Siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda beesha Caalamku taageerto ee magaalladda Muqdisho Waxay weerar Siyaasadeed
kula Jirtaa Somaliland dagaalkaasi oo ah Mid ayna waxba la'hadhin Villa Somalia, Isuna qaawisay Sibadheedh ah, Xidida'dana u Siibtay Cunsurka iyo Unuga Soomaalida ka dhexeeya ee ay awalba Naafeeyeen reer somalia, dhowaan wasiirka arimaha dibada ee Somalia wuxuu Sedeed iyo afartan Saac gudahood ku qabtay Saddex shir Jarai'd oo uu ku weeraray qadiyada Somaliland Una goodiyay dalalka Xidhiidhka diblamaasiyadeed la bilaabay somaliland,Arin biciidna  Maha, In Maamulka Muqdisho ka Soo horjeeddo Nabadda,horrumarka iyo Jiritaanka shacabka Somaliland Una arko falaadh Wadnaha kaga taalla In ay tahay Somaliland.



Haddaba Maxaa lagudboon Xukuumadda Muuse biixi, Marka horre waxaa loo baahanyahay In la galo dagaal siyaasadeed oo aan ku Ekayn jawabaha Caadifada leh ee lagu gano Maamulka somalia, lana dejiyo Istaraajiyad Siyaasadeed oo Cilimiyaysan kuna Salaysan ahmiyada  Siyaasadeed ee  gobol iyo Caalamkaba .


Kow waa In Isku shaadhayn Mugleh lagu Sameeyaa golaha Wasiirada somaliland oo ah kuwo tayo daran oo aan lahayn karti iyo aqoon durgsan kalsooni badana ka haysan shacabka, Waa In Madaxweynuhu Soo Cugto golle Wasiiro oo aqoonyahan ah laabtana u dhigi kara duruufaha kala duwan ee Somaliland ku Meegaaran waana In lagu Saleeyo Saami qaybsi Cadaalada ah lana dhawro Isu dheelitirka gobolladda  taasi oo dawayn karta kala qaybsanaanta gudaha.


Laba waa In Madaxweynuhu ka Faaii'daysto isdhiibida kornayl Caarre  Islamarkaana daweeyo tabashada iyo Xanaftii ay reebtay doorashada, degaanada uu ka soo jeeddo oo u arka In Madaxweyne Biixi gacan bidixayay tabashadooduna ku Salasantahay Saluug Saami qaybsi waa In Madaxweynuhu qanciyo si Muglehna uga qayb geliyo Xukuumadiisa, sidoo kale waa In Madaxweynuhu Fuliyo heshiiskii la'la galay Cali khaliif ee Caynaba Si muglehna loo dhagaysto tabashada Cali khaliif uu ku Metelo deegaankiisa lana Fuliyo rabitaanka kooxda khaatumo wixii Macquula wixii aan Suurtagal ahayna laga qanciyo taasi oo gufaynaysa  daaqadaha Somaliland laga Soo gelikaro Yuhuunta shacabkana Meel u wada Jeedin karta.


Saddex waa In Xukuumadda Somaliland Xoojiso Siyaasada arimaha dibada qarash iyo aqoon dheeradana loo hurro, Si Hiyiga iyo hiigsiga Somaliland u Noqdo Mid midhadhal ah   Islamarkaana Jihooyin Cusub loo Sahantago oo kuwaas  la,wadaagi karo dano dhaqaalle, ammni  iyo Istaraajiyadeed Xitaa haddii ayna raaligelinaynin dalalka gobolka.


Afar Waa In Xukuumaddu la timaado Siyaasad qoto dheer oo lagu farageliyo  Siyaasada Muqdisho  dhinac amni iyo Siyaasadba waana In garab la siiyo Cidkasta oo ka Soo horjeeda Xukuumadda villa Somalia, waa In Somaliland toos u gacan Siiso Mucaaradka Muuqda ee Maamulka muqdisho iyo ka hubaysanba Si loo hagaasiyo maamulka farmaajo oo ku taagan ciidan shisheeye iyo Cashuurta reer galbeedka Citiraafna haysta Siyaasiyana Caqabad ku ah horrumarka Somaliland  Waana In laga galo meellaha uu daciifka ka yahay  gaashaana la siiyo Cadawgiisa taasi oo keeni karta In uu Jilbaha dhulka dhigo Indhaha Caalamkuna ka Jeestaan.

Abdihafid Ahmed Hurre

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...