Reer Caynaba Oo Ka Mudaharaaday Darajada Ay Golaha Wakiiladu U Ansixiyeen Iyo Warqadi Madaxtooyada Oo Socon Wayday
Caynaba(HWN):-Dadweynaha magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa iskugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xeer ay ansixiyeen xildhibaanada golaha wakiiladu.

Mudaharaadka ay iskugu soo baxeen dadweynaha Caynaba ayaa salka ku haya darajada C oo ay xarunta gobolka Saraar ku ansixiyeen xildhibaanada golaha wakiiladu.
Dadweynaha ayaa mudaharaadka ay dhigeen ku muujiyey sida aanay ugu qanacsanayn darajada ay golaha wakiiladu u ansixiyeen xarunta gobolka Saraar ee Caynaba, iyaga oo xukuumada ka dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo xeerka ay ansixiyeen golaha wakiiladu.


Sidoo kalel waxa jira degmooyin kale oo aan ku qanacsanayn darajada ay u ansixiyeen xildhibaanada golaha wakiiladu kuwaas oo muujinaya guux ay ka qabaan xeerka la meel mariyey balse aan ilaa hada soo bandhigin dareenkooda.
![]() |


0 






