Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

0
Tuesday December 24, 2024 - 19:45:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

    Shacbigana waxa la gudboon inay taageeraan oo si dhow u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacbigana waxa la gudboon inay taageeraan oo si dhow u
Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waa mid aan nooceedu hore u soo marin Jamhuuriyadda Somaliland, waana mid loo dhan yahay oo dhammaan qaybaha kala duwan ee muwaadiniintu ka dhex muuqdaan golaha wasiirrada. Taasi oo ah astaan togan oo ka turjumaysa hoggaaminta yiddidiilada leh ee madaxweynaha.

Madaxweyne Cirro dhismaha golihiisa wasiirradda waxa uu maanka ku hayey wax wada lahaanshaha dalka oo dastuurka qoddobkiisa 22aad fiqradiisa koowaad si cad u tusmaynayso sinnaanta muwaadiniinta iyo ka qaybgalka siyaasadda. Waxa saami ammaan mudan ka helay golaha wasiirrada ee cusub haweenka oo loo magacaabay laba Wasiir iyo hal Wasiir kuxigeen.


Waxa kaloo isbeddelkani keenay in beello reer Somaliland ah oo aan weligood loo magacaabin xil wasiirnimo ay heleen xuquuqdaas ka maqnayd 33ka sannadood.

Waxa iyagana laga fuudh yeellay oo xukuumadda cad weyn ka helay dhallinyarada oo madaxweynuhu dhiirigeliyay inay hoggaaminta iyo horumarinta qaranka kaalin weyn ku yeeshaan, maadaama oo ay yihiin bulshada Somaliland inta ugu badan.

Tayo ahaan waxa waayo aragnimada iyo aqoonta Wasiirradu waa mid aad u sareysa marka qof iyo wadarba loo eego. Waanna in la siiyaa waqti ay isku muujiyaan isla markaana lala shaqeeyaa.

Waxaan mar kale baarigayaa madaxweynaha Somaliland oo aan ku boorinayo inuu agaasimeyaasha guud iyo Maareeyeyaasha Hay'adaha dawladda u soo cugto xirfad yaqaanno aqoon u leh xilalka loo igmanayo.

Shacbigana waxa la gudboon inay taageeraan oo si dhow u garab galaan xukuumadda cusub, isla markaana laga fogaado wixii khilaaf siyaasa dalka ka hurin kara, iyadoo xasaraduhu hoos u dhigaan xawaaraha horumarka la beegsanayo iyo wadajirka dalkaba

Qore Maxamed Nuux Jiif Aadan oo ka mid ah
jaaliyadda Somaliland ee dalka Faransiiska.
Loading...
Loading...