Dawlada Somaliya Oo Cambaaraysay Ficil Itoobiya Ka Samaysay Gudaha Somaliya.
Muqdisho – (HWN) Dawladda Federaalka Somaliya waxa ay si adag
u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka
geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.
Saaka abaare 10:00AM,
ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo
ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Weerarkan oo u muuqday
mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex
saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo
Booliska.
Nasiib-darro, intii uu
weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka
tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, Sidoo kale waxay
waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.
Sida lagu sheegay
war-saxaafadeed ay soo saartay dawlada Somaliya.