Caynaba Ma Waxaa Lagu Colaadinayaa Dumaasha Xisbiga Kulmiye.-

0
Sunday July 21, 2019 - 13:14:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caynaba Ma Waxaa Lagu Colaadinayaa Dumaasha Xisbiga Kulmiye.-

    Waxa Qoray Siyaasi Maxamed Kayse Bigeeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qoray Siyaasi Maxamed Kayse Bigeeye

Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta ansixiyay WAX KA BEDELKA IYO KAABISTA XEERKA
ISMAAMULKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA
JAMHUURIYADDA SOMALILAND XEER LR: 23/2003



waxaana goluhu ansixiyay darajada Magaalo madaxda gobolka saraar oo noqonaysa ''C'' hadaba waxaan rabaa qoraalkaygan in aan dul istaago sababaha dhaliyay in Caynaba noqoto Darajada C.

Sida aynu ka warqabno madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland waxuu u balan qaaday shacbi waynaha reer caynaba waagi ololaha iyo safarkii uu dhawaan ku tagay gobolada bariga in uu Caynaba u dalacsiin doono darajada B isaga oo u maraaya habraac sharci, balanqaadkaas oo shacbi waynaha gobolku mudo naawilayeen waxaa uu noqday mid dhicisoobay.


bal hadaba aan iftiimiyo sababta keentay in aanu fulin balanqaadkaasi, aniga oo soo koobaaya qoraalkayga arinkaasi wuxuu salka ku hayaa Dumaasha Xisbiga kulmiye oo siyaasiyiin deegaanka ka soo jeeda damac kaga jiro, waxaan shaki ku jirin in carqaladaynta fulitaanka balanqaadka madaxwaynuhu ay meel dhexe ka timid, meeshaasina meel kale maaha Waa Wasaarada Arimaha Gudaha, oo wasiir Maxamed kaahin uu arinkan siyaasad ka raadinaayo.


Waxaan u arkaa talaabadan guracan in aan midho wanaagsan laga goosanayn. 
Wasiir Maxamed Kaahin oo ah Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye waxaan u soo jeedinayaa in aanay iskaga khaldamin Gobolka Saraar shacbiwaynihiisa iyo cida uu loolanku ka dhexeeyo, dadwaynaha Gobolka saraar waxay hiil la garab istaageen xisbiga kulmiye maanta ma gayaan in wixii ay soo dhiseen ay kala kulmaan Gef iyo Hagardaamo.



Markuu Caga Gubaysnaa Ninkaan Jaamaha ugaliyay
Isaguna Kabtaydii Gubaan Gacalkay Moodaayay? #Dhoodaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...