Caynaba Ma Waxaa Lagu Colaadinayaa Dumaasha Xisbiga Kulmiye.-
Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta ansixiyay WAX KA BEDELKA IYO KAABISTA XEERKA
ISMAAMULKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA
JAMHUURIYADDA SOMALILAND XEER LR: 23/2003
waxaana
goluhu ansixiyay darajada Magaalo madaxda gobolka saraar oo noqonaysa
''C'' hadaba waxaan rabaa qoraalkaygan in aan dul istaago sababaha
dhaliyay in Caynaba noqoto Darajada C.
Sida aynu ka warqabno
madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland waxuu u balan qaaday shacbi waynaha
reer caynaba waagi ololaha iyo safarkii uu dhawaan ku tagay gobolada
bariga in uu Caynaba u dalacsiin doono darajada B isaga oo u maraaya
habraac sharci, balanqaadkaas oo shacbi waynaha gobolku mudo naawilayeen
waxaa uu noqday mid dhicisoobay.
bal hadaba aan iftiimiyo sababta
keentay in aanu fulin balanqaadkaasi, aniga oo soo koobaaya qoraalkayga
arinkaasi wuxuu salka ku hayaa Dumaasha Xisbiga kulmiye oo siyaasiyiin
deegaanka ka soo jeeda damac kaga jiro, waxaan shaki ku jirin in
carqaladaynta fulitaanka balanqaadka madaxwaynuhu ay meel dhexe ka
timid, meeshaasina meel kale maaha Waa Wasaarada Arimaha Gudaha, oo
wasiir Maxamed kaahin uu arinkan siyaasad ka raadinaayo.
Waxaan u arkaa talaabadan guracan in aan midho wanaagsan laga goosanayn.
Wasiir
Maxamed Kaahin oo ah Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye waxaan u soo
jeedinayaa in aanay iskaga khaldamin Gobolka Saraar shacbiwaynihiisa
iyo cida uu loolanku ka dhexeeyo, dadwaynaha Gobolka saraar waxay hiil
la garab istaageen xisbiga kulmiye maanta ma gayaan in wixii ay soo
dhiseen ay kala kulmaan Gef iyo Hagardaamo.
Markuu Caga Gubaysnaa Ninkaan Jaamaha ugaliyay
Isaguna Kabtaydii Gubaan Gacalkay Moodaayay? #Dhoodaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





