Fitnada Dagaal ee Gurmadka GAASHAAMO halla joojiyo
Dhammaan Aqoonyahanka Iyo Waxgaradka Beelaha Habaryoonis Waxay BERI Ka Yihiin Oo Ka Digayaan FITNADA Ay Waddo JIFO Gaar Ah Oo Ah Beesha Reer-Caynaashe Oo Weliba Maammulka Magaalada Gaashaammo Ee Maayorka Iyo Guddoomiyuhu Wadaan Ee Ciidanka Gurmadka Ah Loogu Dirayo YOOCAALE Iyo DACWALAY Dagaalka Ka Socda.
Beesha Habaryoonis Reerkaasi Shirkiisii Khamiistii 19 December Gaashaammo Ka Dhacay Ee Maayorka Iyo Guddoomiyuhu Soo Jeediyeen In Deegaannada Ogaadeenka La Weeraro Iyo In Ciidan La Diro Kulama Soconno, Raallina Kama Nihin In Dadkaas Dhibkooda Lasii Kordhiyo.
Beesha Reer Caynaashe Ha Ixtiraamto Beelaha Kale Ee La Dega Deegaanka Ee Aan Looga Maarmeyn In Masiirka Deegaanka Ay Wax Ku Yeeshaan.
Ugu Danbayn Waxaanu Usoo Jeedinaynnaa In Maammulka Dawladda Deegaanku Uu Gacan Bira Ku Qabto Dadka Fitnooyinka Qabaailka Ku Calaamadsan Ee Dhibta Hormoodka U Ah Mar Kasta.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!