Gudoomiyaha Degmada Xaaji Saalax Oo Waraysi Siiyey Mid Ka Mid Ah Suxufiyiinta Soomaaliland

0
Sunday July 21, 2019 - 10:13:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Degmada Xaaji Saalax Oo Waraysi Siiyey Mid Ka Mid Ah Suxufiyiinta Soomaaliland

    Qaybta koobaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta koobaad

Waxaanu hadalkiisii  ku bilaabay  gudoomiye Cali  Muuse  Faarax  isagoo  xaalada  Degmada ka warbixinaayey: waxa  uu yidh "horta sida aydun ogsoontihiin degmada Xaaji  Saalax Juquraafi ahaan  waxa ay dhacdaa marin-xuduudka koonfureed ee Soomaliland iyo Itoobiya, waana degmo ganacsi  oo si toos ah ugu xidhan  sayladaha suuqyada  Burco iyo Hargaysa  halkaas oo ay si toos ah ay u keenaan  ganacsatadu badeecadahooda. Sidoo kale  degmadu waxa ay leedahay  Saylad  xoolaad



  Waxa kale  oo aanu weydiinay  muddo intee leeg ayaad haysay xilka  maamulka degmada, waxaanu ku jawaabay:- horta  degmada  waxa aan immi sannadkii hore bishii 10naad , waxaana jiray horumar balaadhan oo ay ka sameeyeen degmada maamulkii iga  horeeyey ee  uu  khadar Cabdi Oday  gadhwadeenka ka haa kaaas oo isku xidhay  degmada iyo dowladda dhexe,  iyadoo dowladdii  xiligaas ee  Axmed Siilaanyo ay ka hirgalisay  degmada Salidhig  Boolis , Cisbataal ,guriga degmada , Maxkamada, Aqlka martida iyo Saylada xoolaha.

 

 

Waxa kale  oo aanu wax ka weydiinay dhinaca  waxbarashada, waxa uu ku jawaabay  sidan:-   degmada waxa  ku yaalla  dugsi Sare , dugsi  hoose/dhexe iyo  Sideed malcaamadood oo Quraanka Kariimka  ah lagu barto. Hadii aan ku laabto  ka hadalka dugsiga  Sare  waxa hirgaliyey    gudidda  degmada, ururka wada jir,  wasiirka horumarinta Deegaanka    Shukri X. Ismaaciil  Bandare iyo  Qurba jooga  degmada  Xaaji Saalax , waxaana  laga  keenaa macalimiinta  dugsiga  ka hawlgala gobolka  Awdal  gaar ahaan Jaamacada  Camuud oo uu dugsigu xidhiidh la leeyahay, waxaana mushaharkooda bixiya  Qurba  joogta degmada. Dugsiga waxa ka baxay saddex dufcadood  oo dufcadii  labaad shan arday oo ka mid ahi  ay  heleen  deeq waxbarasho  oo ay  dowladdu ugu dirtay dalka Itoobiya .


Waxa kale oo aanu wax ka weydiinay dhinaca Caafimaadka, waxa uu ku jawaabay :- Degmada waxa ku yaalla Cisbataal iyo Xanaano caruurta iyo dhalaanka ah (MCH)  oo ay hirgalisay  Wasaaradda Caafimaadka  ee  Jamhuuriyada  soomaaliland. Waxa  ka howlgala  shaqaale  ay  tiradoodu gaadhayso 18 qof. Waxaana  Cisbataalka degmada  lagu daweeyey    xiligii uu shuban biyoodku ka  dhacay gobolada  Daad-madheedh  iyo Togdheer 3500 oo qof oo ka soo kala jeeda goboladaas, waxa ay leedahay  degmadu hal (AmbuLance )  oo ay soo iibintiisa  ay iska kaashadeen dowladda iyo Qurba joogta degmadu.  Waana wax ilaahay loogu mahadnaqaa .


Lasoco waraysiga qaybta labaad  oo aanu   kaga warami doono waxyaalo fara badan   maalinta Salaasada  insha Allah

  Qalinkii: Maxamed  Muuse  Cilmi

[email protected]   

Tel: 0634149171    

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...