Arligan Ordugan Xukumo,Ummadiisiiyo Bakhtiday,Aagaamu Ka Buuxsada,Miyaanay Arkahayn Waxbaba.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Ilahoodii Dhaqaalihiyo,Erboodkii Iyo Miinadii,
Edilkodba Intuu Qabsaday,Ayuu Yidhi Amusoo.
2-Aqbala Waxa Aan Idhahdo,Adoonsiga Ay Qabaan,
Indha Caalamkuna Arakan,Aduunkii Yaaban Tahay.
3-Af Kala Qaadkii Daraad,Ordugan U Saxeex Bad Yidhi,
Itoopiyaan Guul U Tahay,Idinku Aad U Sacab Tunteen.
4-Adoonsi Idinkaa Aqbalay,Eed Miyaa Cidna Saaraysan,
Illaha Waxba Kama Qarsona,Aayatiinkeedaydun Heli,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!