Sidee u xasuusataa buuggii aad akhridday?
Habka ugu wacan ee buug kasta oo aad akhrido loo
Baddi buugta aan akhriyo, ma xasuusto nuxurkoodda. Laakiin, halka aan u soconno qodobkan maahee, waxaa aad maanka ku haysaa in maalmahan dhiganayaashu ay leeyihiin : 10 ilaa 50 bog oo nuxur qiimo leh ah. Halka inta kale ay tahay codod buuq badan oo la raaciyay! Dhabtii maaha wax qiimo leh, balse waxaa loo baahday in ay sharaxaan uun inta nuxurka ah.
Haddaba, war lagu siiye, marka aan dhigane akhriyayo, waxaa aan diiradda saarayaa 10-50 bog oo ah inta nuxurka qiimaha lihi ku jirto. Waxaa aan raadinayaa fikradaha noloshayda baddali doona; laakiin, dan kama galayo sheekooyinka ku xeeran fikradahaa.
Ilaa hadda buugaagta aan akhriyo , waqtiyada qaar waxaa aan xasuustaadaa uun, marka aan maqlo ama akhriyo wax la mid ah dhiganihii aan hore u akhriyay.
Habka ugu wacan ee buug kasta oo aad akhrido loo xasuusto, waa tan ee meel ku gunto:
AKHRI BUUGGA MAR LABAAB.
Mar labaadka oo la akhriyaa dhiganuhu waa ka wacan yahay mar kowaadka. Maxaa yeelay, waxaad garanaysaa waxaa aad ka filayso. Tanina waxaa ay kaa dhigaysaa in aad u fiirsatid fikradaha furaha u ah mowduuca ee buuggu soo gudbinayo. Awood waxaa u yeelanaysaa wax kasta oo buugga ku jira inaad si fudud ula xidhiidho.
Tanina waxaa ay kaa dhigaysaa in aad dib u xasuusato, waliba hababkan ayay kaaga dhigaysaa:
1. Waxaa aad haysataa meelo badan oo aad ku ogtahay warbixin badan, maxaa yeelay waxaad akhriday inta u dhaxaysa sadarrada.
2. Waxaad mar labaad ku celisay inta nuxurka lahayd iyo ubuxdii qiimaha lahayd, taasi oo ka dhigaysaa in loo gubiyo xasuusta dheer( long-term memory)
3. Waxaad garanaysaa waxaa aad raadinayso ,fiiragaar ahna waad u yeelanaysaa; ileen waxaad ogtahay in ay jiraan wax badan oo buugga lagu naaxnaaxiyay oo aan waxtar lahayn.
Sidoo kale, marka aan buugga akhriyo, haddii uu dhagaysi leeyahayna waan dhagaystaa; marna marka kowaad ee buugga akhriyo, ayaa mar labaad akhriyaa, haddii uu dhagaysi leeyahayna waan dhagaystaa. Taasi waxaa ay iga dhigtaa in xasuustiisu ayna iga gu'in.
Ka rog oo haddana saar, haddii taasi kugu badato ama kugu adkaatana, waxaa aan kuu soo jeedinayaa: marka aad buugga akhrinayso ka qaado xasuusqor( note) dib u akhri taddobaad kaddib marka aad dhammayso buugga.
Sida nolosha caadiga ihi ba tahay, wax kasta oo aad rabto inaad ku wanaagsanaato, waxaa ay u baahan tahay ku celcelin badan; taas macnaheeddu waxa ay tahay, akhri, akhri, haddana mar kale akhri , maankaaga ayaa uu gali doonaa waxii aad akhridaye.
Intaas kore ee aynu soo sheegnay, haddii aad u maleyso in ayna ku anfacayn, waxaa aan kuu soo jeedinayaa inaad eegto, sheekada Bob proctor. Isagu waa milyaneer. Wuxuu ku leeyahay, oo uu ku sababeeyay guushiisa oo dhan hal buug oo uu akhriyay; buuggana maalin walba wuu akhriyaa!
Wuxuu odhanayaa:" muhiim maaha in jumlad keliya dhowr jeer aan ku celceliyo , balse waa inaan akhriyo, fahmo, kaddiba aan dabaqo; maaha in aan u xasuusto sidii in aan u baranayo imtixaan- kugal( in imtixaan la igaga qaadayo)"
Habka caadadeyda wax akhrisna waa sidan soo socota:
1. Inaad hesho buug ku bari kara, wax aad doonayso inaad noqoto, samayso iyo inaad ka hesho wax aad u baahan tahay.
2. Maalin walba in aan akhriyo oo wax ka barto .
3. Si tartiib ah u akhri , si aad u fahanto xaqiiqda waxa uu qoraagu uga jeedo.
4. Marka aad la kulanto fikrad kusoo jiidata/ku xiisagaliso , akhri marar badan( maalinba maalinta ka dambeysa, toddobaad ba toddobaad, bilba bil ha kuu dhiibto) xitaa haddii aad xifdiday!
5. Marka aad dabaqi karto(apply) waxa aad akhrinaysay, markaas ayay fikraddu si toos ah ugu beeran tahay maankaaga dhexdiisa. Intaa kaddib, uga gudub weedhaha kale ama bogga ku xiga; haddii fikradda dabaqi kari weydo , dib ugu noqo hab-qabadkii( process)
Ugu dambeyntii, habkaa sarena waxaa uu kaa caawinayaa inaad xasuusato dhiganihii aad akhriday.
Qoraa Maxammad Haybe Axmed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...