Somaliland Marnaba Gorgortan Kama Gelayso Wax kasta oo lid ku ah Qarannimadeeda"
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay guul weyn ka gaadhay dagaalkii shalay ka dhacay koonfurta gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamadeeda iyo kooxaha huwantu.
Sidoo kale waxa warka ka soo baxay xukuumadda lagu sheegay in JSL, u taagan tahay isla markaana aastaan u tahay nabad iyo horumar.
Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaa tilmaantay in ciidamada Qaranku shalay muujiyeen inay si adag uga hortagi karaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeello u gaysato jiritaanka iyo madax-bannaanideeda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi "Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, jabkii ay gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah ee shalay gelinkii danbe weerarka ku soo qaaday fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee bariga Magaalada Ceerigaabo.
Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta u taagan difaaca Qarannimada iyo xaqiijinta Amniga guud ee dalka, Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal waxayna shalay Qaranka u soo hooyeen guul wayn, waxayna cadawga tuseen in cidkasta oo u soo hanqal taagta waxyeelaynta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland in ay la kulmayaan tallaabo aanay mahadin.”
Geesta kale Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaantay in ciidamada Qaranku shalay muujiyeen inay si adag uga hortagi karaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeello u gaysato jiritaanka iyo madax-bannaanideeda.
"Dowladda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horumar, dimuquraadiyad, iyo himilooyinka lagu xaqiijinayo halka qarankani higsanayo. Balse marnaba gorgortan kama gelayso wax kasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya qarannimada, wadajirka bulshada, iyo amniga guud ee dalka,” Ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka.