Ceerigaabo: Amar laga soo Saaray Sidashada Hub Sharci Darrada ah
Kulan ay shalay yeesheen guddida nabadgelyadda gobolka Sanaag ayaa ay ku faahfaahiyeen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceerigaabo, waxaanay xuseen in hadda gobolku nabad yahay, ciidanka Qarankuna gacanta ku hayaan nabadgelyadda guud ahaan gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Muuse, ayaa sheegay in cidkasta oo hub sharci darro ah la soo gasha magaalada Ceerigaabo ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada RRU iyo Boolisku ay amar u haystaan in ay tallaabo ka qaadan qofkasta oo ay arkaan isaga oo sita hub sharci darro ah.
Dhanka kale waxa uu digniin adag u diray dadka isku dayaya inay bililiqeystaan guryaha laga qaxay, waxaanu ciidamada ku boorriyay inay tallaabo adag ka qaadan, waxaanu soojeediyay dadka lagu soo qabtay boobka hantida guryaha laga maqan yahay in sharciga la mariyo, isla markaana la horgeeyo Maxkadaha intaas kadibna lagu shubo Xabsiga Mandheera, waxaanu hoosta ka xariiqay in cidkasta oo lagu qabtana ay mari doonto meesha kuwii hore la mariyay.
Geesta kale waxa uu cadowga ku soo duuley Somaliland iyo kuwa warbaahinta la taagan hadalada bulshada kala fogeynayaba ugu baaqay inay ka fogaadaan waxkasta oo bulshada iska horkeenaya.’
Gaba-gabadii waxa uu sheegay in magaalada Ceerigaabo ay ku tallaabsatay horumar ballaadhan isla markaana ay tahay magaalo la jaanqaadaysa magaalooyinka kale ee dalka, waxaanu tilmaamay in sideedii ay noqoneyso wax dib u dhac ahina aanu ku imaneyn, waxa uu farta ku fiiqay in aanay jirin cid laga leeyahay Ceerigaabo.