Maansada Tusmadda Somaliland: Abwaan Cali Haybe Cige

0
Wednesday December 18, 2024 - 11:56:40 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Tusmadda Somaliland: Abwaan Cali Haybe Cige

    Tan iyo lixdankii jirtada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo lixdankii jirtada



Maansadan magaceedu yahay; 'Tusmada Somaliland’, oo uu hal-abuuray Abwaan Cali Haybe Cige, ayaa waxa uu kaga warramaaya halgankii cuslaa ee dalkan loo soo gallay iyo sooyaalkii taariikheed ee ay soo martay bulshada reer Somaliland, waxaanu Abwaan Cali Haybe maansadan ku xusayaa in uu tebaayo Mujaahidiintii dalkan xorreeyey ee u shihiiday oo in badan oo kamidana uu maansada ku xusaayo in uu tebaayo kaalintoodii. Waxaanay erayada maansadu u dhigan yihiin sidan: -

 

 

 

Soomaalida kala tagtiyo

 

Waxaan tusayaa khalqiga

 

Colaad layskuma tudhiyo

 

Wixii taf-wareeno dhacay

 

Tan iyo lixdankii jirtada

 

Nin tacabiray oo maqnaa

 

Da'yare tahan uma ogee

 

Aan taabtee wax iga qora

 

 

Raggii tagay waayo hore

 

Jihaadkii lagu tiriyo

 

Waxaan tabayaa lixliyo

 

Waxaan tabay Maxamed-Cali

 

Waxaan tabay Xaamud iyo

 

Waxaan tabay Shiine iyo

 

Koosaar iyo tiirar jabay

 

Waxaan tabayaa Dayib

 

Waxaan tabay Haraggii iyo

 

Waxaan tabayaa Mahdi

 

Tebaye Gacma-dheere iyo

 

Waxaan tabay Macalinkii

 

Haaruun Geesigii ka tegay

 

Waxaan Tebayaa Xuseen

 

Talaabiyo may'e Sucuud

 

Tabuhuu Haabiil yiqiin

 

Waxaan tabayaa Libaax

 

Waxaan tebay kaartadii

 

Ayuub nagu toosin jiray

 

Tebaye Siiraanyo iyo

 

Waxaan tebayaa Obsi

 

Koodbuur iyo tobankii wiil

 

Turuqa kula baxay Askar

 

 

Waxaan tebayaa xusuus

 

Waxaan tebayaa rag baxay

 

Tuurkii guusheena helay

 

Waxaan tebayaa dablii

 

Tamuuxaa lagu maslaye

 

Qubuuraha lagaga tegay

 

Waxaan tebayaa Magtii

 

Tasow diyaddii maqnayd

 

Timaha khalqigaa ka badan

 

Tegaye halgankii ku baxay

 

Tiriyo magac kuma saxnee

 

Waxaan tebayaa xuskii

 

Abaalkay noo tareen

 

 

Tusmadan Somaliland

 

Habeen taxtaxaashka iyo

 

Siday nabaddani ku timi

 

Targaafoow maad ogayn

 

Nimaan odaygii ka tallin

 

Talyani Ingiriis ku gallin

 

Turkigu waayo ugu iman

 

Tirtira iyo deda xasuuq

 

Intii dhiig iga turqaday

 

Tun iyo aargudasho iyo

 

Tiirkii laga saamaxoow

 

 

Tadhoogeediyo axmaqa

 

Haddana tiiqtiiqsadoow

 

Xornimo dhiigaa tiflehe

 

Toogteeda nimaan u ridan

 

Tuubada nimcada ah jaqow

 

Taygiyo suudhka u xidhoow

 

Tuduca murtidaa ku jabin

 

Tuugiyo xilka Baarlamaan

 

Adaa labadaba sitee

 

Kitaabkaa lagu tuntiyo

 

Tollihiyo wallahaad marteen

 

Tudh buu wacadku idin siin

 

 

Tallada qarankeed sideen

 

Wakhtigu taash kuugu xidhay

 

Tahriibi kuwaas lahoow

 

Lafihii tuulnaa qabriga

 

Ogow jesedkii isku tage

 

Marxuun soo toosisaye

 

Tabcada kugu leged xagluhu

 

Tashoow male geesiyadu

 

Taalliyo waxaan dhigi xuskood

 

Taariikh aan been ahayn

 

Ayaan baashashka ugu tixi

 

Nacabka tuuraha lahoow

 

Toorey iyo seefihiyo

 

Tunkaan warran kaa ligligi

 

Ayaxii tooreeyey duul

 

Koronkorta uu toomiyaay

 

Tagtada adigaa ku bixi

 

 

Tafiirtii Sheekhu dhalay

 

Tirtira duulkii la yidhi

 

Waxaan tebayaa SNM

 

Waxaan tebayaa dadkaan

 

Dhamaan isku taba lahaa

 

Calankan taagan ee xaqa ah

 

Towxiidka kuwii sidee

 

Tawbada ku hor kici lahaa

 

Waxaan tebayaa cilmiga

 

T'a iyo Alufkiyo Ba'dii

 

Waxaan tebayaa baryada

 

Tufkay culimadu lahayd

 

Waxaan tebayaa saliga

 

Tanbiihiyo kor u dhigii

 

Waxaan tebayaa Suldaan

 

Karaamo ku tiirsan iyo

 

Tabsamo caaqilkii lahaa

 

Taranta reerkiyo bulshada

 

Tafiirta iclaamin jiray

 

Waxaan tebay Awyaddii

 

Tiriiga ifiyo maqaam

 

Tawbiyo khayr noo lahaa

 

Tirsiga nabigiyo bilaha

 

Timekoodu markuu ansaxo

 

Siyaarada loo tumoo

 

Tuldaha loo gawracoo

 

Taarkii baryadee Allaha

 

Gacmaha lagu tuugi jiray

 

 

Waxaan tebayaa gollihii

 

Tiyaataradii fankee

 

Hiddaha ku tiraabi jiray

 

Talbiidkii abwaanadee

 

Tixtixi jiray eray hal buur

 

Waxaan tebayaa aqoon

 

Talladu geedkay lahayd

 

Waxaan tusayaa khalqiga

 

Tartamaroorkiyo firqadu

 

Toddoba laba lagu ambado

 

Ayaa dhulka maanta timi

 

Ta kaliyey guushu tahay

 

Tubtii nabi Muxamed maray

 

In aan ku tuntuunsanaa

 

 

Waxaan tusayaa khalqiga

 

Tan iyo Muqdishiyo halkeer

 

Isku taga laba dawladdood

 

Tareenkii shalay burburay

 

Tu iyi tu-ba waw nasiib

 

Tusaaleeyeye dhulkana

 

Taakiyo maam baa u dhigan

 

 

Tagtaye Somaliland

 

Talaabo dib loo dhigiyo

 

Tashuush uma baahna nacas

 

Horraa loo tuuray sahan

 

Waxaanu ku taamaynaa

 

Tiigsigu waa horrumarkii

 

Shidaal in na loo tafaqo

 

Tab iyo xeel lagu najaxo

 

In aan isla tiirinaa

 

Waxay maahmaahdu tidhi

 

Taabkaagaa lagu dhargaa

 

Allaha lagu tiirsan yahay

 

Tukiyo faral waw gudnaa

 

Axkaamtii tiilay iyo

 

Qur'aankaa laysku tabin

 

Tirsiga salligaan xusnaa

 

Tawaawaca gaalladiyo

 

Turuqa quwad sheegashada

 

Tabaadin dadka u qabaw

 

Toodiyo waa taayadii

 

Ilaa abid soo taxnayd

 

Taqwadu waa laabta oo

 

Mutaqim nuurkuu dhigaa

 

Toosnidu alle ka cabsi iyo

 

Rabood tallo saaratiyo

 

Tag iyo hadda waa nasiib

 

 

Aqoonta la tuujiyee

 

Talaabsaday aadamuhu

 

Tacliinshuhu waa xakiim

 

Turjuma aayadaha iyo

 

Tabaallada koonka taal

 

Tilmaantuna samafalaha

 

Ayey waxtarkiisa tahay

 

Taraarkiyo hoogga iyo

 

Iblays wuxuu toocsadiyo

 

Toobada seeguhu cadaab

 

Abaalkiisuu ku tagi

 

Jannadu cidda ay u taal

 

U tawshaa waa Islaam

 

Mahadna ta Allaa u weyn

 

Tolnimo waa muumin-nimo

 

Tu qudha iyo waa nafaha

 

Allaha weyni isku tolay

 

Waxaynu ku kala tagniyo

 

Turxaanta dhexdeena taal

 

Ayaa tuurtuuristiyo

 

Takoor iyo dhalla qabiil

 

Intaan takar iyo qaniin

 

Tif iyo qodax layska jarin

 

Toddoba loo kala baxiyo

 

Tumaatidu waa sidii

 

Digtaytaradii ma tegin

 

Tuutihii uun buu la baxay

 

Idaacaddo tororogliyo

 

Been buu soo tebinayaa

 

Taawilo iyo sixile iyo

 

Tabtii weeyaan Firqoon

 

Takhtakhu waa bello ku naax

 

Jidkaa tooska ah ma maro

 

Jiryoo qadarka Alle diid

 

Ku taam boqortooyo iyo

 

Taxaabe aduun la dhaco

 

Kufriga toddobaatan jiray

 

Haddana towbadi u furan

 

Wakhtigu tooruu hayaa

 

Intaan wadku idinla tegin

 

Ta Alle isxasuusiyoo

 

Tallooy nimba tacabkii iyo

 

Wuxuu kaa taartay maal

 

 

 

 

 

Alla Mahad leh

 

 

 

 

Abwaan Cali Haybe Cige

 

Hargeysa/Somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...