Madaxweyne Cirro Waxaabaad Mooddaa Waraabe-La Hadal, Wasiir Walba Meeshoodiibuu Dhigay.
Kaftanka Xukuumada Cirro Waa Wasiiradiisa Nin Walba Waxaad Mooddaa Inuu Isha Geliyey Oo Helay Shaqadiisuu Ku Wacnaa.
Arintani Waa Waa Arin Xeeldheerayaasha Is
La Waafaqeen Markay Xirfadaha Qof Kusoo Shaqeeyey Ay Ka Muuqdaan Qof Walba Jidhkiisa , Hadday Lafo Tay, Jidhtay Indho Tay. Haddaan Hawraartayda Idiin Fududeeyo :
- Qofka Muddo Dheer Maclim Soo Ahaa Ee Sabuuradaa Wax Ku Soo Qorayey Labadiisa Garab Iyo Labadiisa Qacmood Wey Kala Weyn Yihiin. Dadkana Yar Iyo Weyn Maskaxdiisu Macalimka Waa La Da Oo Wuu La Sheekaystaa.
- Qofka Kabaha Tolaa, Intaanuu Qof Kasta Wejigiisa Eegin Kaba Hiisuu Eegaa.
- Qofka Qoraaga Ah Faryarada Inta Ka Dambaysa Way Gaatirtaa Sida Cagaha Geela.
Markaan U Kuur Galay Wasiirada Nin Walba Wuxuu Ku Soo Shaqayn Jiray Buu U Diray.
1- Wasiirka Cadaaladda Ee Da'da Yar Wuxuu Weligii Tebayey Oo U Qaylinayey Cadaalad In Laga Helo Somaliland.
2- Wasiirka Maaliyadda Yaraantiisii Dukaanuu Ka Shaqayn Jiray.
Ku Xigeenkiisaba Waa Isku Xirfad.
3- Wasiirka Dib U Dejinta Bari Abaar Iyo Dagaal Iyo Kala Qaxaa Ku Badnaa Oo Khibrad Buu U Leeyahay.
3- Wasiirka Khaarajiga Yaraantiisii Inuu Safiir Noqdo Oo Scholarship Helo Ayuu Ku Fikiri Jiray Illaa Waqtigii Adam Isaaq Laba - Guri Jiray Reerkooda.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Markuu Yaraa Wuxuu Ku Firi Jiray Inuu Geel Badan Dhaqdo Reer Buureedkana Ka Guursado Si Aanuu Yarad Badan Oo Geeli Uga Bixin.
Wasiirka Beeraha Wuxuu Ku Fikiri Jiray Inuu Biro Badan Tumo Oo Beeraa Lagu Qoto.
Wasiirka Kaluumaysiga Wuxuu Beriguu Yaraa Ku Fikiri Jiray Inuu Cadan Iyo Carab Tago Oo Doonyaa Ka Shaqaysto Dabadeed Dooni Iibsado (Hadmaa Dooxii Hargeysa Dekado Yeeshoo Dubuluq Laga Raacay Doonyaa).
-Wasiirka Madaxtooyada Wuxuu Ka Soo Jeedaa Reerka Maskaxda Isaaqa Iyo Hadal Yaqaanka Wuxuu Ku Fikiri Jiray Markuu Madax Noqdo Inuu Taliyo, Sidaasuu U Helay Wasiirka Madaxtooyada.
Wasiirka Tacliinta Wuxuu Yaraantii Ku Fikiri Jiray Isagoo Ceerigaabo Ku Soo Barbaaray Inuu Wax Barto Maclim Noqdo Wuuna Noqday. Maanta Ceerigaabo Dawladnimo Ma Gaadho Laakiin Dad Xadaarad Leh Iyo Saqaafad Leh Weeye Laakiin Waxay U Baahantay Markaan Soo Indha Indheeyey Sariibad Casriya Iyo Suuq Casriya Casriya Iyo Wadada Maydh Oo Loo Banneeyo. Wasiirkaa Hawl Baa U Taal.
Wasiirka Warfaafinta Waa Aftahamo Markuu Yaraa Inuu Diinta Fidiyo Ayuu Ku Fikiri Jiray. Waxaa Laga Filayaa In Warfaafintu Madbakh Kasta Gaadhsiiyo Oo Dadku Barnaamijyo Indhaha U Furaya Ka Daawadaan Maalin Kasta.
Wasiirka Diintiyo Awqaaftu Markuu Yaraa Wuxuu Ku Fikiri
Jiray Inuu Imaam Masjid Noqdo, Wasiirkii Ka Horeeyey Oy Isku Degaan Kasoo Jeedaan La Mid Buu Ahaa, Waaba Wada Aw-Hebel.
Madaxweyne Cirro Waxaabaad Mooddaa Inuu Yahay Waraabe Lahadal , Wasiir Walba Meeshoodiibuu Dhigay.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Qoraa Mohamed Ali Bashe- Buurdhegeyste.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!